Saturday, July 27, 2024

1,535 arday oo ka qalin jabisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho (Dawan)- 1,535 Arday ayaa maanta oo Sabti ah ka qalin jebisay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyada oo tiradaan noqoneyso tii ugu badneed tan iyo markii dib loo furay Jaamacadda sannadkii 2014-kii.

Munaasabadda qalin jebinta, waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyiinta u qaabilsan dowladda arrimaha waxbarashada iyo marti sharaf kale oo badan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Xasan Cismaan Gacal ayaa ugu hambalyeeyay ardayda guusha ay ka gaareen dadaalkii ay kusoo jireen sannadihi lasoo dhaafay, wuxuuna kula dardaarmay in ay aqoontooda ugu shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ardaydan ay wax ka barteen 12 qeybood oo kamid ah kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda iyada oo ay ardayda qalin jebisay sannadkaan ay ku jiraan 70 arday oo wax ku baranayay xarunta Jaamacaddu ay ku leedahay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud .

Prof. Xasan Cismaan Gacal ayaa tilmaamay in Dufcadaan ay tahay dufcadii 22-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, balse ay ku jiraan arday dhameysatay waxbarashada heerka labaad ee Master-ka.

Wuxuu intaas ku daray in Jaamacaddu ay dib u soo celisay xiriirkii waxbarasho ee ay ay la lahayd Jaamacadda dhiggeeda ah ee Turkiga, Shiinaha, Talyaaniga iyo dalal kale oo Afrikaan ah sida Kenya, Uganda iyo Koonfur Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudnaanta ay dowladdu siinayso tayaynta waxbarashada dalka iyo muhiimadda bixinta canshuuruhu u leyleyihiin horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay dadaalkii dowladda Soomaaliyeed u gashay dib u furidda Jaamacadda Soomaaliyeed oo la hirgaliyay sannadkii 2014 ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso hormarinta iyo kor u qaadida waxbarashada dalka, isaga oo yiri;

“Waxbarashada dalkeennu waxa ay soo martay duruufo kala duwan, waxaana maanta joognaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn. Waa in muwaadiniintu si hufan bixiyaan canshuuraha qaranku ku leeyahay”.

Madaxweynaha ayaa ammaanay Hormuudka iyo Bareyaasha Jaamacadda Ummadda oo ku soo shaqeeyay duruufo adag, isla markaana ka miradhaliyey hiigsigii dib u soo nooleynta Jaamacadda iyo barbaarinta jiilka msutaqbalka, wuxuuna ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarka dalkooda, aqoontoodana ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa Jaamacadda kaliya ee ay dowladdu leedahay waxeyna xarumo ku leedahay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho iyo dhowr magaalo oo kale.

Jaamacadda waxaa dhidibada loo taagay sannadkii 1954-kii balse waxa ay ku burburtay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay iyada oo xarumaheedi loo adeegsadaay waxyaabo ka baxsan waxbarashada.

Sannadkii 2014-kii xilligii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu guuleystay in dib loosoo celiyo sidii ay uga qeyb qaadan lahayd xoojinta waxbarashada dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here