Saturday, July 27, 2024

10 safiir oo cusub oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Waxaa magaalada Muqdisho tababbar soconaayay muddoo seddex todobaad ah loogu soo xiray toban safiir oo cusub kuwaas oo ay dhawaan ansixiyeen Goloha Wasiirada ee Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasma Cabdi Barre oo kula dardaarmay danjireyaasha cusub in iyaga oo khibraddooda adeegsanaya ay wax weyn ka beddelaan muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana ay saaxiibbo wanaagsan u sameeyaan dalka.

“Waxaan u baahannahay in siyaasaddeennu ay ku salleysnaato Soomaali Dunida Heshiis la ah oo danteeda ka shaqeynaysa, lehna siyaasad deggan oo ku salleysan caqli iyo cilmi, waana taas sababta keentay in aan diblomaasiyadda u xulano dad ruug caddaa ah oo leh khibrad”. Ayuu yiri Xamse Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha oo shahaadooyin guddoonsiiyey danjireyaasha ayaa ku bogaadiyey Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, kaalinta uu ka qaato kor u qaadidda aqoonta diblumaasiyiinta Soomaaliyeed.

Safiirada dhameystay tababarka Diblomaasiyadeed

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa bishii hore ee February ansixiyay 10 Safiir oo ka howlgeli doona qaar kamid ah dalalka Soomaaliya ay la leedahay xiriirka Diblomaasiyadeed, kuwaas oo kala ah;

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
3. Cali Cabdi Awaare
4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
5. Bashiir Xasan Xaaji
6. Fathudin Cali Maxamed
7. Xuseen Cabdi Xalane
8. Khadiija Cosoble Cali
9. Khadra A Dualle
10. Ridwan Xirsi Maxamed

Dowladda Soomaaliya ayaa billaawday dhawaan in ay bedesho qaar ka mid ah safiiradeeda, iyada oo sidoo kale u magacaawday safiiro cusub dalal aysan hore ugu joogin safiiro.

Dalalka ay Soomaaliya u magacaawday safiirada cusub ayaa kala ah, Qatar, Sacuudiga, Morocco, Eretria iyo Kenya.

Tobankaan safiir ee dhameystay tababarka Diblomaasiyadda ayaan weli la shaacin Dowladaha ay ka howl geli doonaan, iyada oo laga war qabo in ay jiraan dalal muhiim u ah Soomaaliya oo asyan joogin safiiro sida Turkiga, Uganda iyo Imaaraadka Carabta.

Maxay ku dhisantahay siyaasadda dibadda Soomaaliya?

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar “Cali Balcad” oo wareysi gaar ah siiyaay TV-ga Dawan ayaa sharraxaad ka bixiyay arrimaha ay ku dhisantahay siyaasadda dibadda ee dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdu ay dooneyso in Soomaaliya laga ilaaliyo in ay yeelato cadaw dhanka dibadda ah iyo in khilaaf soo kala dhax galo dalalka caalamka.

Anaga oo ka duuleyna hiigsigii Madaxweyene Xasan Sheekh ee ahaa ” Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” waxaan ku dadaalnay sidii Soomaaliya u noqon lahayd waddan adduunka ula macaamila si wada jir ah, inaga oo yareyneyna khilaafaadka iyo cadaawad dibadda nooga timaada” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in ay Soomaaliya leedahay 45 safaaradood iyo laba ergo, oo caalamka u jooga, iyada oo ay waajib tahay in dowladdu daboosho baahiyaha dhammaan shaqaalaha ka howlgala safaaradahaas.

Waa imisa miisaaniyadda wasaaradda arrimaha dibadda?

Wasiir Balcad ayaa sheegay in miisaniyadda Wasaradda Arrimaha dibadda ay kor u dhaafeyso 6 milyan oo dollaar ah ” miisaaniyadda wasaaradda waxa loo qeybiya laba nuuc, tan gudaha oo gaareysa 2 milyan oo xooga iyo tan dibadda, 4 milyan iyo xooga ayaan ku qiyaasayaa”.

Wasiiru Dowlaha ayaa xusay in ay diblomaasiyiinta Soomaaliyeed usoo dhabar adeegeen dhibaatada jirta, iyaga oo qaarkood ay ku shaqeynayeen si isxilqaan ah, wuxuna rajo ka muujiyay in laga bixi doono caqabadaha jira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here