Saturday, July 27, 2024

3 askari oo Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday saldhig ku yaal Urdun

Urdun (Dawan)- Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa xaqiijiyay in 3 askari oo Mareykan ah lagu dilay, qaar kalena lagu dhaawacay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay Waqooyi-Bari ee dalka Urdun, una dhow xuduudka Suuriya.

Biden ayaa mas’uuliyadda weerarka dusha uga tuuray kooxaha hubeysan ee ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq, isaga oo ku goodiyay in ay aarsan doonaan xilliga ugu habboon.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri, ” Qalbiyada dadka Mareykanka waxaa ka buuxa murugo caawa. 3 askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay, qaar badana waa lagu dhaawacay weerar xagga cirka ah oo diyaarad Drone ah ay kusoo qaaday ciidamadeenna ku sugnaa Waqooyi-Bari ee dalka Urdun oo ku dhow xuduudka Suuriya.”

Wuxuu intaas ku daray: “Xogta aan helanay ilaa iyo hadda, waxaan ku ogaanay in weerarka ay fuliyeen kooxaha hubeysan ee ay Iiraan taageerto kuwaas oo ka howlgala Suuriya iyo Ciraaq.”

Dhanka kale, taliska dhexe ee Mareykanka oo dhacdadaan war kasoo saaray ayaa sheegay dhimashada 3 askari oo Mareykan ah iyo dhaawaca 25 kale.

Shabakadda CNN ee Mareykanka ayaa sheegtay in askarta Mareykanka ah ee la dilay ay ku sugnaayeen saldhigga Tower 22 oo ku yaal xuduudka dalka Urdun iyo Suuriya , waxayna dilkooda ku tilmaamatay in uu ka dhigan yahay inay sii xumaanayso xaaladda Bariga Dhexe.

Weerarkan lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Urdun ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo markii uu bilaawday dagaalka Israa’iil ay ku hayso Gaza, waana weerarkii ugu horeeyay ee askar Mareykan ah lagu dilo

Dowladda Urdun ayaa dhankeeda beenisay in weerarka lagu dilay ciidamada Mareykanka uu ka dhacay gudaha dalkeeda.

Afhayeenka xukuumadda Urdun Muhannad Al-Mubaydeen ayaa yiri “Weerarka waxaa lala beegsaday saldhigga Al-Tanf ee ku yaal Suuriya”.

Koox lagu magacaabo Muqaawamada Islaamiciga ah ee Ciraaq ayaa bayaan ay ku faafisay boggeeda Telegram ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Kooxda ayaa sheegtay in ay afar weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday seddex saldhig oo ku yaal dalka Suuriya iyo xarun ay leeday Israa’iil.

Kooxdan oo taageero ka hesha Iran ayaa ayaa hore ugu dhawaaqday in ay si isdaba joog ah u weerari doonto saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka, si loogu aar gudo shacabka Falastiin.

Tan iyo bishii October ee lasoo dhaafay, ciidamada Israa’iil waxa ay weerar ba’an ku wadeen Marinka Gaza, waxayna ku dileen weerarkaas in ka badan 25 kun oo Falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawaeen in ka badan 63 kun oo u badan carruur iyo haween.

Duqeynta iyo weerada Israa’iil ay ku hayso Marinka Gaza ayaa sidoo kale sababay burbur ballaaran iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here