Sunday, May 19, 2024

Af-hayeen cusub oo loo magacaabay wasaaradda Gaashaandhigga

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa u magacaabay Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud inuu noqdo Af-hayeenka cusub ee wasaaradda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, ” Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si loo dardargaliyo hawlgalada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo kooxaha khawaarijta waxa uu X/le Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya”

Wasiirka ayaa Af-hayeenkii hore ee Wasaaradda Janaraal Cabdullaahi Cali Caanood kaga mahad-celiyay kuna ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Afhayeenka Cusub kula dardaarmay dardargalinta waajibaadka shaqada Qaran ee loo igmaday.

Af-hayeenka cusub ayaa looga fadhiyaa inuu si joogta ah uga warbixiyo howlgallada ciidanka dowladda iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee daba dheeraaday.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here