Saturday, July 27, 2024

30,779 arday oo u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ee Eritrea

Asmara (Dawan)- Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee sannad dugsiyeedka 2023/2024 ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 18-ka bisha March ka bilaabmay guud ahaan dalka Eritrea iyo qaar ka mid ah dusgiyada ku yaal dalka dibaddiisa.

Imtixaankan shahaadiga ayaa loo qorsheeyay inuu socdo ilaa 25ka March, iyada oo lagu gelayo 26 xarumood oo ku yaal gudaha Eritrea iyo laba xarumood oo ku yaal magaalooyinka Jeddah iyo Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Tiro dhan 30,779 arday oo kala bar ay gabdho yihiin ayaa ka qeyb qaadanaya imtixaanaadka shahaadiga ee sannadkaan.

Sida laga soo xigtay Xarunta Imtixaanaadka ee Machadka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista, waxaa koror lixaad leh ku yimid ardayda u fadhiisaneysa imtixaanka shahaadiga, iyadoo tirada ardayda imtixaanaadka u fadhiisanaysa sannadkan ay kor u kacday 45% marka loo eego sannadkii hore.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here