Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo daah-furtay mashruuca kasoo kabashada xasaradaha

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 (Dawan)- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas oo wax wayn ka tari doona ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maalgelineed ee Xarunta Qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah, taas oo qayb ka ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xukuumadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intas raaciyay ” Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xilligaan dagaalka adag lagula jiro Khawaarijta, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda”.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenku waxa uu sheegay in kooxda Al-shabaab ay burburisay goobaha loogu adeego bulshada sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada.

Saalax waxa uu hoosta ka xariiqay in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal badan gelineyso xasilinta deegaanada lagala wareegay kooxda Al-shabaab si muwaadiniintu u helaan adeegyada asaasiga u ah nolosha.

Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada xoogga iyo cidamada dadka deegaanka, waxaana sidoo kale loogu tala galay in adeegyada muhiimka ah lagu gaarsiiyo deegaannada la xoreeyay.

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maalmo ka hor daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa gacan ka geysatay Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in hirgelinta Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya uu marag u yahay ahmiyadda ay Xukuummada Soomaaliya siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa muwaadiniinta, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’atahay dowladda ka mira dhalinta sidii dalka loo gaarsiin lahaa nabad iyo xasillooni waarta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here