Sunday, May 19, 2024

6 malyan ayaa ku nool Somaliland balse 1, 227,48 ayaa xaq u leh in ay cod dhiibtaan

Hargeysa (Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray tirada guud ee codbixiyaasha iyo goobaha laga codeynayo gobol kasta doorashada isa saaran ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada  siyaasadda.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu wareegto ku soo-saaray cayimaadda muddada qabsoomidda doorashooyinka tooska ah.

Doorashada ayaa ka dhici doonta dhammaan gobolada ay ka koobantahay Somaliland ee lixda ah kuwaas oo kala ah Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil , Togdheer,  Sool, iyo Sanaag.

Gobolka Awdal    

153 goobood ayaa laga codeyn doona gobolka Awdal, waxaana xaq u leh in ay codkooda dhiibtaan dad gaaraya 181, 801 qof.  

Gobolka Maroodi-jeex

Gobolka Maroodi-jeex waxaa xaq u leh in ay ka qeyb qaataan doorashada 497,734 qof, waxeyna ka codeyn doonaan 345 goobood, sida laga soo xigtay Komishanka Doorashada.

Gobolka Saaxil

Shaxda Komishanka Doorashada ayaa muujineysa in 92,279 qof kuwaas oo ku nool gobolka Saaxil in ay ka codeyn doonaan 90 goobood, si ay u gutaan xaqooda dastuuriga ah ee doorasahda.

Gobolka Togdheer

Sanduuqyada codbixinta ee gobolka Togdheer waxaa la dhigi doonaa 209  goobood, waxaana codeyn doona dad gaaaraya 236, 279  ruux.

Gobolka Sool

Gobolka Sool hadii aynu eegno Komishanka Doorashooyinku waxay soo bandhigeen in laga codeyn doono 202 xarumood , iyada oo tirada codbixiyaasha Sool ay tahay 98,966 qof.

Gobolka Sanaag

Sanaag 236 goobood  ayaa laga codeyn doona, waxaana la filaya in ay codeeyaan dad weyne tiradooda lagu sheegay 119, 648 qof.   

Magaalada Laasqoray ee ka tirsan gobolka Sanaag ayaa la sheegay in aysan jirin cid ka codeyn doonta.

Dadka ugu badan waxa ay ka codeyn doonaan gobolka Maroodi-jeex, iyada oo lagu sheegay tirada xaqa u leh in ay codkooda dhiibtaan 497,734 oo qof, halka dadka ugu yar ay ka codeyn doonaan gobolka Sool, iyada oo loo sababeeyay in Somaliland aysan gacanta ku haynin deegaano badan oo ka tirsan gobolkaas.

Isku soo duuboo, in ka badan 6 malyan oo ku nool deegaanada kala duwan ee Somaliland, waxaa codeyn doona doorasahada Madaxtinimo iyo xisbiyada siyaasadda ee dhici doonta 13 bisha November 2024 dad gaaraya 1, 227,48 qof kuwaas oo ka codeyn doona 1235 xarumood.

Komishanka Doorashooyinka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay in ay hirgeliyaan doorasho hufan oo xalaal ah, iyada oo la hubinayo in hannaanka doorashadu ka turjumayo rabitaanka shacbiga Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan xisbiyada siyaasadda, ururada rayidka ah, warbaahinta, iyo goob-joogayaasha caalamiga ah, in ay si firfircoon uga qayb-qaataan habsami u socodka doorashada.

Haddii ay dhacdo doorashadan xilliga la muddeeyay, waxa ay soo af-jari doontaa khilaaf siyaasadeed oo hareeyay Somaliland labadi sano ee lasoo dhaafay, kaas oo saameyn ku yeeshay dhinacayda horumarka amniga iyo siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here