Thursday, September 19, 2024

Imaaraadka oo dib uga bilaabay Muqdisho adeegyadii dal ku galka 30 sano kadib

Muqdisho (Dawan)- Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Jumca Al Rumaithi ayaa maanta daah-furay Qunsuliyadooda Muqdisho iyo xarunta bixinta fiisaha, taas oo hadda kadib u fududeyneysa muwaadiniinteeda Soomaaliyeed inay helaan dal ku galka Imaaraadka Carabta.

Safiirka oo hadal ka jeediyay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in ujeedada loo furay qaybtan cusub ay tahay sidii la loogu adeegi lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan Imaaraadka Carabta.

Safiirka ayaa intaas ku daray, in tillaabadan ay ka qayb ka qaadan doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo isu socodka labada shacab ” Waxaan go’aansanay inaan furno xaruntan qaabilsan dal ku galka ah oo loogu adeego muwaadiniinta Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo fududeeyo hannaanka looga baahan yahay dhammaan noocyada fiisooyinka ”

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa carabka ku adkeeyay in dowladdisaa ay ka ka go’an tahay sii wadidda taageerada iyo garab istaaga shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan sida xasiloonida iyo horumarinta.

Dhankiisa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aways Jaamac, ayaa sheegay in tillaabadani ay ka dhigan tahay fududeynta habka soo gudbinta codsiyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ay muujineyso sida ay uga go’an tahay labad dal xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo in kor loo qaado iskaashiga.

Wuxuu tilmaamay Daa’uud in furitaanka qunsuliyaddan ay xaqiijinayso sida ay Dowladda Imaaraadka Carabtu uga heellan tahay taageerada horumarka Soomaaliya, isagoo yiri: “Waxaan filaynaa mustaqbal ku dhisan iskaashi iyo guulo wadajir ah oo ay gaaraan labadeena dal. ”

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa caqabado kala kulmi jiray helista dal ku galka Imaaraadka Carabta, iyaga oo u safri jiray dalalka deriska ah si ay u dalbadaan dal ku galka Imaaraadka Carabta. Xaruntan cusub ee qaabilsan dal ku galka waxay xallin doonta caqabaddaas sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.

Daah-furka xaruntan raacsan safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa ka dhigan tillaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo fududeynta ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Dalal badan oo isagu jira Carab iyo Reer-galbeed ayaa Soomaaliya usoo magacaabay safiiro balse waxaa yar adeegyada ay bixiyaan safaraadahooda. Safaaradda Turkiga ayaa lagu tiriya inay tahay tan bixisa adeeg safaaradeed oo dhamaystiran.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here