Saturday, July 27, 2024

Maxay booqashada madaxda sare ku biirineysa ciidamada?

Aadan Yabaal (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee gacanta birta ah ku ciribgoynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta Galmudug iyo Hirshabelle” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiisaka Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaarae Xamsa ayaa sidoo kale u kuur gelaya isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga xoreeyay xoogaga Al-shabaab, wuxuuna kulmo la yeelan doona qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waa markii labaad ee Ra’iisul wasaarahu booqasho ku tago degmada Aadan Yabaal tan iyo markii Al-shabaab laga saaray degmada.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku suganyahay ku dhawaad bil magaalada Dhuusamareeb ee maamul goboleedka Galmudug kana dhigtay xarunta laga hago dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqhi ayaa isaguna jooga magaalaada Xarar-dheere, halka madaxweynayaalka Galmudug iyo Hirshabeelle Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Guudlaawe ay la joogaan ciidamda jiidda hore uga jira dagaalka.

Booqashada madaxda sare iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee ciidamada la jooga aagaga dagaalka ayaa lagu micneeyay sida ay uga go’antahay dowladda inay wajiga koowaad ee dagaalka kula wareegto deegaanda Hirshabeelle iyo Galamudug ee ku jira gacanta Al-shabaab.

Khudbaddii ugu dambeysay ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u jeediyay shacabka ayuu sheegay in dagaalku sii socon doono inta laga gaarayo guusha ugu dambeysa.

Booqashada madaxda sare ay ku tegayaan deeganada la xoreeyay wax maka beddeli kartaa dagaalka iyo niyadda ciidanka?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here