Saturday, July 27, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ganacsatada Qatar kala hadlay maalgashiga Soomaaliya

Doha (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa kulan la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar.
Ra’iisul wasaraaha ayaa kala hadlay ganacsatda Qatar sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka

“Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, isla markaana dalka laga xoreyn doono kooxaha Khawaariijta, taasi oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalka Soomaaliya.


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa shalay kawada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, , dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here