Friday, September 20, 2024

Ra’iisul wasaaraha Bangladesh oo is casishay kana carartay dalka

Bangladesh (Dawan)- Mudaaharaadyada ay dhigayaan ardayda Bangladesh ayaa ku qasbay ra’iisul wasaaraha dalkaas Sheikh Xasina in ay iska casisho xilkii ay haysay, iyada oo wararku intaas ku darayan inay u baxsatay dalka Hindiya.

Dibadbaxayaasha ayaa xoog ku galay madaxtooyada dalka ee ku taal caasimadda Dhaka, sida lagu arkayay muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada.

Khudbad uu shacabka u jeediyay ayuu taliyaha ciidamada Bangladesh ku xaqiijiyay iscasilaada Sheekh Xasina, wuxuuna sheegay in ay socdaan wadahadalo lagu dhisayo xukuumad ku meel gaar ah.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in wakiilo ka socda xisbiyada siyaasadda ay goob joog ka yihiin wada-hadallada ay la qaateen madaxweynaha dalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ku baaqay in la joojiyo gadoodka, isagoo ardayda kula dardaarmay inay guryahooda ku laabtaan, wuxuuna ballan qaaday in ciidamadu ay baaritaan ku sameyn doonaan dhammaan dilalkii dhacay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Waxa uu shacabka ka codsaday in la siiyo muddo kooban si xal loogu helo dhibaatada jirta, waxa uuna shacabka ka codsaday in ay ku kalsoonaadaan ciidamada, isagoo sheegay in hay’adda amnigu ay dib u soo celin doonaan nabadda dalka.

Ku dhawaad ​​100 qof ayaa ku dhintay oo ay ku jiraan 13 askari oo Boliis ah, boqolaal kalena waa lagu dhaawacay shalay oo Axad ahayd iska hor imaadyo rabshado wata oo ay ka dhacay gobollo kala duwan, waana dhimashadii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed ah tan iyo markii ay bilowdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo qoondada shaqada ee hay’adaha dowladda. bishii July ee la soo dhaafay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here