Thursday, September 19, 2024

Kenya oo dib u fureysa xafiiska socdaalka ee gobolka Waqooyi-bari

Garissa (Dawan)- Shacabka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa guul u arkay go’aanka lagu dhawaaqay ee dib u furista xafiiska socdaalka ee Garissa, kaas oo la filayo in lagu soo celiyo shaqadiisa laba toddobaad gudahood.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi-bari John Otieno aya shaaca ka qaaday in 95% la dayactiray Xafiiska oo markii hore la qorsheeyay in la furo 1-dii July ee sanadkii hore, laakiin dib u dhac ku yimid kadib markii loo wayay goob ku habboon xafiiska.

Xafiiska socdaalka ayaa la xiray sanadkii 2014 kaddib markii weerarro oo isdaba joog ah ay ka dhaceen gobolka taas oo keentay in shaqaalaha xafiiska ay u baqaan naftooda. Xiritaanka waxaa amray Maj-Gen Gordon Kihalangwa, oo markaas madax ka ahaa waaxda socdaalka.

Tani waxay dhibaato weyn ku noqotay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa codsanayay baasaboorka si ay ugu safraan, sida xujayda iyo dadka doonaya inay soo cimraystaan.

Dadka ay ku qasbanaaday inay u safraan caasimadda Nairobi si ay helaan baasaabor, taas oo ku adkeyd waayeelka iyo dadka xanuunsan, waxaana dhowr loogu baaqay hay’adda socdaalka in lasoo celiyo xafiisksii gobolka

Madaxweyne William Ruto ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo xafiiska, isagoo horay u ballanqaaday dib u furista xafiisyada socdaalka xilligiisii ololaha doorashada.

Dadka deegaanka ayaa hadda rajeynaya inay ka baxsadaan qarashaadkii uga bixi jiray safarka Nairobi, haddii ay dib u helaan adeegyadii xafiiska socdaalka ee Garissa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here