Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh : Cid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dhulka Soomaaliya ma jirto

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay kulan deg deg ah oo ay isagu yimaaden Labada Gole ee Baarlamaaanka Soomaaliya ayaa si cad uga hor yimid heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ee dhanka Badda.

Madaxweynaha ayaa farriimo u diray guud ahaan Shacabka Somaaliyeed, gaar ahaana Shacabka iyo Madaxda Somaliland, Itoobiya iyo caalamaka , isaga oo ka digay halista uu heshiiskaan u keeni karo xasiloonida iyo ku wada noolaanshaha Gobolka.

Farriimaha Madaxweyne Xasan, waxaa ka mid ahaa:

  • Bishaan January, 1-deeda, 2024, waxa dhacay wax cusub waaye waa curato laakin curato kuma ahan taariikhdii hore ee aan soo aragnay.
  • Cid awood u leh in dhulka Soomaaliya cad ka mid ah ay bixisaa ma jirto. Awoowayaasheen ayaa diiday, aabbayaasheen ayaa diiday, hooyooyinkeen iyo ayeeyayaasheen ayaa diiday, anagaa intaan noolnahay hadda diidnay.
  • Qaanuunka caalamiga ah ma ogola waxa 1-da January Addis Ababa ka dhacay. Qaanuunka caalamaiga ah ayay kasoo horjeedda. Sinna dhaqan gal kuma noqon doono haddana kuma ahan.
  • Walaalayaal, Itoobiya aqoonsi idiin ma heyso. Aqoonsi ayaan idin siinaya, haddii ay tiraahdo, aqoonsi jira ma aha.
  • Dowladda Itoobiya, waxaan leeyahay mar walba deris ayaan ahayn, ismaanaan dooran, Ilaah ayaa deris naga dhigay, waana ahaan doona. Hal option (ikhtiyaar) ayaan qabnaa. Nabad inaan ku wada noolaano. Option kale oo noo furana malaha.
  • Awood sharciyeed, awood damiir iyo dadnimo nasiineysa inaan dhulkeena qeyb ka mid ah bixino ma jirto. Dhulka waxaa iska leh jiilalka soo socda.
  • Shalayna waa naga go’need maantana weli waa naga go’antahay, taako dhulka Soomaaliya ka mid ah in ay baxdo ma ogolin, sifo aan ku bixi karnana ma lihin anagu.
  • Sidaan umadda Soomaaliyeed hore uga ballan qaaday, haddaan Madaxweyne ahay iyo haddaan ahaynba taako dhulka Soomaaliya ka mid ah in ay baxdo ma ogoli.
  • Aan isku kaashano dalka naga inaan difaacno. Aan isku kaashsno inaan ilaalino gayigeena wadajirkiisa
  • Soomaaliya iyada oo intaan ka taag daran ayay soo ilaashatay dhulkeeda… maanta wa ka taag roonahay intii hore, haddii ay tahay xag Dowladnimo iyo haddii ay tahay muruqa diblomaasiyadda.
  • Nin maanta jooga, ama Federaalka ha joogo ( halkaan) ama Dowlad Goboleed ha joogo, oo mitir dhulka Soomaaliyeed ka mid ah idin siin karaa ma jiro. Haku kadsoomina.
  • Soomaaliya Soomaali baa leh, waan u dhimanaynaa, waana difaaceynaa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here