Tuesday, October 1, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Taliyaha cusub ee Ciidanka  Booliiska Soomaaliyeed, Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka taliyihii hore Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Muqdisho

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban Shan xubnood kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro ah in ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Holland

Ra’iisul wasaarihii hore ee Holland Mark Rutte ayaa la wareegay xilka xoghayaha guud ee NATO, isagoo bedelay Jens Stoltenberg oo Norway u dhashay, kaas oo toban sano ka dib xilka ka degaya.

Faransa

Ururka CGT ee Faransiiska ayaa ku baaqaya dibad baxyo dalka oo dhan ah oo looga soo horjeedo isbedelada sharciga hawlgabka iyo go’aanka madaxweyne Emmanuel Macron uu ugu magacaabay Michel Barnier inuu noqdo ra’iisul wasaaraha dalkaas.

Falastiin

Tirada Dumarka iyo caruurta ay ciidamada Israel ku dileen dagaalka Gaza ayaa loo aqoonsaday tiradii ugu badneed ee lagu dilo dagaal muddo hal sano ah sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Oxfam.

Rwanda

Hay’adaha caafimaadka Rwanda ayaa sii wada dagaalka ay kula jiraan kiisas la xiriira fayraska Marburg, kaasoo galaaftay nolosha 8 qof, tan iyo markii uu ka dillaacay dalkaas todobaadkii hore.

Mareykanka

Murashaxiinta madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance iyo Tim Walz ayaa fooda is dari doona dooddooda koowaad ee barnaamij siyaasadeedka doorashada.

Japan

Shigeru Ishiba ayaa loo doortay ra’iisul wasaarihii 102-aad ee dalka Japan oo ah dalka afaraad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka. Waxaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga talada haya todobaadkii hore.

Indonesia

Baarlamaanka Indonesia oo ka kooban 580-kursi ayaa yeeshay kalfadhigii ugu horeeyay tan iyo doorashadii ugu dambeysay iyada oo ay goob joog ahaayeen 360-xildhibaan oo markii ugu horeysay kusoo biiray Baarlamaanka. Todobo xisbi ayaa taageero u fidiyay madaxweynaha cusub ee la doortay ee Prabowo Subianto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here