Wednesday, December 4, 2024

Soomaaliya iyo Serbia oo heshiis cusub ka gaarey dhinaca amniga

Belgrade (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa kala saxiixday heshiis cuusb oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca amniga, tababarrada, iyo tayeynta ciidanka booliska Soomaaliyeed. Heshiiskan ayaa ka dhacay caasimadda Serbia ee Belgrade kadib kulan rasmi ah oo dhexmaray Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo dhiggiisa Serbia, Ivica Dačić.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu kor u qaadi doono iskaashiga labada dal, isagoo tilmaamay in uu muhiim u yahay horumarinta iyo tayeynta hay’adaha amniga dalka. Wuxuu sidoo kale xusay in xiriirka labada dhinac uu yahay mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, taasoo heshiiskan ka dhigeysa tallaabo cusub oo lagu xoojinayo saaxiibtinimada iyo wada-shaqeynta labada waddan.

“Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskanina waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan”. ayuu yiri; Wasiir Fartaag

Dhanka Serbia, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Ivica Dačić, ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo lagu adkeynayo xiriirka Serbia iyo Soomaaliya. Wuxuu caddeeyay sida ay dowladda Serbia uga go’an tahay in ay gacan ka geysato dadaallada dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan tababarka ciidamada iyo horumarinta hay’adaha amniga qaranka.

Serbia ayaa muddooyinkii dambe door muhiim ah ka qaadaneysay taageerada dhinaca tababarka iyo tayeynta ciidanka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo xasilloonida Soomaaliya. Heshiiskan cusub ayaa la filayaa in uu horseedo horumar dheeraad ah oo ku saabsan iskaashiga labada dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here