Saturday, October 5, 2024

Khaatumo oo dalbatay ka qaybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Sool (Dawan)- Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay mowqifka ku aaddan ka qaybgalka shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, isaga oo ku adkeystay inay muhiim tahay in la xaqiijiyo matalaadda deegaanka iyo dadka SSC-Khaatumo ee dhinacyada geeddi-socodka siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa dalabkooda u cugsaday go’aankii bishii February 6, 2023, kaas oo ay sheegayay in  dadka deegaanka ay ku gaareen dhismaha maamulka SSC-Khaatumo oo ka mid ah dowlad-goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale soo xigtay go’aankii Dowladda Federaalka ee bishii Oktoobar 19, 2023, kaas oo si rasmi ah u aqoonsaday maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Maamulka ayaa muujiyay sida uusan ugu qanacsanayn in Dowladda Federaalka iyo Golaha Wadatashiga Qaranka aysan ku darin inay ka qaybqaataan shirarka qaranka ee lagaga hadlayo arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga Soomaaliya si ay dadka Khaatumo u helaan metelaadda ay xaq u leeyihiin.

SSC-Khaatumo ayaa si cad u sheegtay saddex qodob oo kala ah:

1. In aysan aqbali doonin in laga tago matalaaddooda ama la iska indhatiro doorka ay ku leeyihiin arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya.

2. In SSC-Khaatumo ay leedahay xuquuq buuxda oo ka qaybgal iyo talin ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga dalka oo dhan.

3. In ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan miisaaniyadda heerarka kala duwan ee dowladda iyo in la xaqiijiyo matalaadda deegaanka ee xubnaha golayaasha qaranka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here