Sunday, October 6, 2024

Boliiska oo soo xiray dhallinyaro lagu eedeyay falal amniga ka dhan ah

Muqdisho (Dawan)- Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo soo qabtay 24 dhalinyaro ah oo ku eedeysan Ciyaal Weero

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay fiidkii sheegay in howlgal ay sameeyeen lagu soo qabtay 24 dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay ciyaal weero ah. Dhallinyaradan ayaa sida booliiska sheegay lagu soo qabtay garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow, halkaas oo ay ku kaceen falal amni darro, sida rabshado, buuq, iyo carqaladeynta taageerayaasha ciyaaraha, taasoo ka baxsan xeerarka anshaxa ee loo dejiyay ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Magacyada iyo sawirada dhallinyaradan la qabtay ayaa lagu faafiyay barta rasmiga ah ee taliska qeybta Booliska Gobolka Banaadir.

Amarka lagu qabtay dhallinyaradan waxa uu kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Cusmaan Cabdullaahi, si looga hortago falalka amni darrada ah ee ay geysanayaan ciyaal weeradu, laguna xaqiijiyo amniga goobaha ay ka dhacayaan ciyaaraha.

Booliska ayaa uga dambeyn u diray digniin dhammaan dhallinyarada usoo daawashada taga ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir inay ka fogaadaan falalka amni darro iyo ciyaal weerada, ayna dhowraan xasiloonida iyo xeerarka taageerayaasha, si loo hubiyo in ciyaaruhu ay si nabad ah ku dhacaan, taageerayaashana ay ku raaxaystaan.

isbuucyadii lasoo dhaafay  garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow ayaa waxaa ka socday ciyaaraha degmooynka Gobolka Banaadir iyadoona mararka qaara marka ay ciyaaruhu soo dhamaadaan ay dhacaan rabshado taas oo keenta in la maqlo dhawaqa rasaasta ay adeegsanayaan ciidamadu si ay u kala buriyaan dhinacyada is tuuryeynaya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here