Monday, October 7, 2024

Dhul-gariir xoogan oo ka dhacay Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Wararka laga helayo Itoobiya ayaa tilmaamaya in dalkaas uu xalay ka dhacay dhul-gariir xoogan oo lagu qiyaasay 4.9 Richter.

Sida laga soo xigtay Telefishanka Itoobiya, dhul-gariirku waxa uu ka dhacay agagaarka deegaanka Awash, iyada oo ay dareemeen dadka ku dhaqan degaannada kala duwan ee magaalada Addis Ababa.

TV-ga waxa uu intaas ku daray in aysan jirin wax dhibaato ah oo ka dhashay Dhul-gariirka inkasta oo laga dareemay degaanno badan.

Dhul-gariirkan ayaa ka dhacay Buurta Fental oo ka baxsan caasimadda Itoobiya, mana jirin wax dhul gariir ah oo ka dhacay Addis Ababa, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee Itoobiya, iyada oo sidoo kale beenisay warka lagu faafiyey baraha bulshada ee ku saabsan inuu dhul-gariir uu ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Maalmo ka hor, dhul-gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5 ayaa ku dhuftay dalka Itoobiya, kaas oo ka dhacay deegaan 570 KM dhanka bari ka xiga meesha laga sameeyay biya xireenka wabiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here