Friday, October 18, 2024

Preimer Bank oo soo bandhigay agabka lacag-bixinta NFC ee la xiran karo

Muqdisho (Dawan)- Hadda waad awoodaa inaad ku bixiso lacagahaaga si ammaan ah, degdeg ah, oo fudud adiga oo adeegsanaya Okkliyaalahaaga , faraantiyadaada, jijinnada, iyo suumanka saacadaha casriga ah.

Premier Bank ayaa soo bandhigay aaladaha casriga ah ee lacag-bixinta NFC oo la xiran karo, taasoo markii ugu horreysay Soomaaliya laga hirgeliyay, kana dhigaysa dalka labaad ee Afrika ee tiknoolajiyadan isticmaala. Agabkan oo qeyb ka ah lebis-maalmeedka, waxa ka mid ah muraayadaha indhaha ama Okiyayaalayaasha, faraantiyada, jijinada, iyo suumanka saacadaha.

Sida Bankiga uu qabo  tiknoolajiyadan waxay horseedi doontaa kor u qaadidda dakhliga ganacsatada iyo fududeynta nolosha macaamiisha, maadaama uu noqday nidaam degdeg ah oo ammaan badan.

Daraasado  la sameeyay ayaa muujinaya in macaamiishu si weyn u doorbidaan lacag-bixinta iyada oo loo marayo agab la xiran karo sababo la xiriira xawaaraha, amniga, iyo sahlanaanta:

47% macaamiisha leh qalab casri ah oo la xiran karo waxay doorbidaan inay isticmaalaan lacag-bixinta agabkan sida ay sheegatya daraasad ay sameesay Mastercard Consumer Survey 2021.

Sidoo kale 80% isticmaaleyasha agabkan waxay sii wadaan isticmaalka kaddib waayo-aragnimada ugu horreysa, taas oo muujinaysa qanacsanaan xooggan sida lagu sheegay warxin ay soo saartay  PwC Digital Payments Report 2022-dii.

“Adeeggan waxa uu muuqaal rajo iyo yididiilo ka bixinayaa sida dalkeenu u
korayo oo uu ugu tilaabsanayo horumaro waaweyn oo dhanka hay’adaha maaliyadda
ah, lana jaanqaadayo dunida casriga ah”
. ayuu yiri Maamulaha Premier Bank
mudane Geedi Jimcaale.

“Waxaan aaminsannahay in tiknoojiyaddu qeyb weyn ka qaadaneyso xalka
dalkeena iyo fudueynta nolosheena, markaan waxaan soo kordhinay ammaan
maaliayadeed oo lebiskaaga ku sameysan”
ayuu raaciyay.

Suuqa agabka lacag-bixinta la xiran karo ayaa lagu qiyaasayaa inuu gaaro $80.39 bilyan marka la gaaro 2030, iyadoo la saadaaliyay in sanadka 2024 ka badan 1.1 bilyan oo qalab lacag-bixin la xiran karo lana isticmaali doono. Premier Bank ayaa u aragta inay hormuud ka noqoto isbeddelkan, iyada oo dhiirrigelinaysa la qabsashada tiknoolajiyada lacag-bixinta NFC ee Afrika.

Habka Lacag-bixinta danabeysan waxa uu lafdhabar u yahay dhaqaalaha Soomaaliya, sidaa darteed ayuu Premier Bank maalgelin iyo horumarin joogto ah ugu sameeyaa sidii dalka oo dhan loogu rogi lahaa “Bulsho kaashka ka maarantay” oo la jaanqaada, kuna xiranta nidaamka maaliayadeed ee casriga ah. ayaa lagu yiri’ war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here