Monday, May 20, 2024

Maxaa is beddelay 60-ki maalin ee uu Xasan Sheekh ku sugnaa Dhuusamareeb?

Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug gaaray billaawgii bishii Agoosto, wuxuuna kasoo laabtay billaawga bishaan october, taas oo ka dhigan inuu halkaas ku sugnaa in ka badan laba bil.

60-ki habeen ee uu Madaxweyne Xasan ku hoyanayay Dhuusamareeb, maxay ka beddeshay xaaladda?

Cowsweyne iyo Ceel la helay ayaa maankaaga usoo degdegay. Haa waa dhacdooyin ay tahay inaan xusno, balse aan ku hormarino qodobo la isku wada raacay oo horumar laga sameeyay.

Ka go’naansho

Mid kamid ah ujeeddooyinka, haddii aysan ahaynba tan ugu muhiimsan, Madaxweynaha waxa uu doonayay in uu dunida iyo Soomaalidaba u muujiyo sida ay dowalddiisa uga go’antahay la dagallanka Al-shabaab.

  • Sida laga dheehday xogta kulankii uu Xasan Sheekh Jabuuti kula yeeshay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka.
  • Kulamadii ku xeernaa hakinta bixitaanka ATMIS ee 90-ka maalin.
  • Kulamadii ay masuuliyiinta Soomaalida la yeesheen saaxiibada Soomaaliya ee Gacanka iyo Jaamacadda Carabta.
  • Xiriirrada dowladaha deriska ah iyo kuwa Gobolka.

Dhammaan kulamadaas iyo wada tashiyadaas, waxa ay abuureen aragti cusub oo siyaasadeed iyo mid amni oo ku salleysan in awood ciidan lagu wajaho arrinka Al-shabaab.

Arrintaan ayaa ka hor imaaneysaa aragtida iibsantay 5-tii sano ee la soo dhaafay oo ku salleysneed wada hadal dhex mara dowladda iyo dagaalyahanada Al-shabaab, garwadeena ka ahayd dowlad Carbeed oo Soomaaliya daneysa.

Aragti Bulsho

Al-shabaab waa awood muuqata oo muddo 15 sano ka badan ka jirtay Soomaaliya. Marka laga yimaado fikiradahooda siyaasadeed waa urur lala qabsaday, lala macaamilo, laga baqo, lala xiriiro oo in badan oo bulsahda kamid ah ay caadi u arkaan la dhaqankooda.
Madaxweynuhu waxa uu isku dayay, isla markaana qeyb ahaan ku guuleystay abaabulka qabaa’ilka deegaanka.

Waxaa soo if-baxay beelo iyo shaqsiyaad saameyn leh oo ku dhiirraday colleysashada Al-shabaab, waana qeyb dadka Xasan Sheekh yaqaana aaminsan yihiin inuu ku wanaagsan yahay.

Dhismaha aragti bulsho oo ka dhan ah Al-shabaab

Ku hoyashada guriga Qoor Qoor, iyo adeegsiga xafiiskiisa muddo ka badan 1,400 saacadood, waxay u muuqatay farriin ku socotay Laftagareen iyo Cali Guudlaawe oo damaanadqaad siineysa xilalakooda iyo inaysan jirin khatar kaga soo wajahan dhanka Villa Soomaaliya.
Taa bedelkeedana ay tahay in ay qeyb ka noqdaan gulufka uu Xasan horkacayo.

Kala shakiga beelaha

Khilaaf kama jiro in Galmudug iyo Hirshabeelle ay yihiin ubucda dagaallada qabaa’ilka. Aanooyinka beeluhu kala tabanayaan, xuduudaha iyo kala shakiga waxa uu noqday caqabad wiiqday wadashaqeynta.

Waqti dheer iyo safarro uu Madaxweynuhu ku kala bixiyay deegaano dhowr ah, waxaa hoos u dhacay xiisadda, waxa ayna falanqeeyayaashu aaminsan yihiin in ay tahay tillaabo muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Niyad-dhis

Tirada, tayada iyo qalabkaba ciidankaba ma aha kuwa ku filan, sidaas darteed ayey lagama maarmaan u tahay dhisidda niyad sare, waddaniyad iyo in loo muujiyo garab-istaag dhiig cusub ku shuba.

Xirashada tuutaha ciidanka, khudbado guubaabin ah, booqashada xeryahooda iyo kulamo joogta ah ee uu Xasan Sheekh la yeeshay saraakiisha ayaa dhiirrigelin weyn u noqotay ciidamada aagagga hore ku jira.

Habeenada Dhuusamareeb ma wada ahayn kuwa xasilloon. Waa hubaal habeeno hurda la’aan ah, jahwareer, cadaadis iyo canaan leh in ay kamid ahaayeen.

Cowsweyne iyo Ceel la helay Waxay ahaayeen laba dhacdo oo wiiqay qorshayaasha Madaxweynaha.

Al-shabaab oo dib ula wareegay deegaano horay looga qabsaday, ayaa dabka shidaal ku sii shubay.

Baraha bulshada ayaa isla kacay, eedeymo aan kala sooc lahayn, saaxiibada Madaxweynaha iyo mucaaradka ayaa isku si uga hadlay, qeylo-dhaanta dalbaneysa wax ka bedelka hoggaanka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa cirka isku shareertay.

Balse, Madaxweynuhu waxa uu dusha saartay mas’uuliyadda qaladaadka Wasiirkiisa ama taliyihiisa, isaga oo diiday in uu wax tillaabo ah ka qaado.

Ilo ku dhow madaxtooyada waxay xaqiijiyeen inuu Madaxweynuhu doortay go’aanka adag ee ah in isla xisaabtanka uu u dib-dhigto dagaalka kadib, taas oo bedelkeeda noqday u-dulqaadashada cadaadiska iyo mas’uuliyadda ka dhalatay go’aamo si qaldan lagu gaaray.

Shaqooyinka guri ee u baahan waqti iyo go’aamo adag oo uu Maaxweynahu ka soo qaatay Dhuusamareeb ayaa lagu soo koobi karaa, Helitaanka hab-raac wada howlgal oo ay yeeshaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka.

Ciidanka Xooogga iyo Macawiisleeyda?

Ciidanka Xoogga iyo Macawiisleeyda side ayey u wada howlgalayaan.

Ciidanka Xoogga iyo ATMIS

Waa maxay kaalinta ATMIS iyo sida ay u wada howlagalayaan Ciidanka Xoogga

Ciidanka Xoogga iyo saaxiibada Drones-ka

Sidee dowladdu uga faa’ideysaneysaa diyaaradaha dowladaha saaxiibada ah ee duqeymaha ka fuliya goobaha ay Al-shabaab ku xooggantahay ama ay joogaan madaxda?

Ciidanka xoogga dhexdooda

Gorgor, Ciidamada Eritrea lagu tababaray, kuwa Uganda lagu tababaray iyo Danab, sidee dhammaan ciidamadaan u wada shaqeynayaan?

Marka la soo koobo, howsha ugu adage ee Madaxweynaha hortaalla ayaa ah dhismaha taliska ciidanka iyo habraac kala amar qaadasho is hoos yimaada, si uu uga maarmo in uu howlaha farsamo si shaqsi ah uu gacmaha ula galo, taas oo fursad u siineysa sii wadashada howlaha kale ee siyaasadda, dhaqaalaha iyo xiriirka arrimaha dibadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here