Friday, October 18, 2024

La soco jadwalka ololaha doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Somaliland

Hargeysa (Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey jadwalka ololaha doorashada madaxtooyada iyo xisbiyada , kaas oo bilaabanaya 19-ka October 2024 isla markaana socon doona illaa 10-ka Nofeembar 2024.

Jadwalkan ayaa si rasmi ah u qeexaya maalmaha ay xisbiyadu qaban doonaan ololahooda doorashada, waxaana xisbi kasta loo qoondeeyay maalmo gaar ah.

Xisbiyaadaan tartamaya ayaa gaaraya ilaa 10 waxayna isugu jiraan xibiyada hadda jira iyo Ururada u tartamaya in ay xisbiyo nooqdaan.

Maalmaha ololahooda doorashada ayaa Xisbiyada hadda jira ee seddexdda ah waxay heleen seddex maalin halka ururada doonaya in ay u gudbaan xibiyadana ay labo maalin heleen.

Ololaha doorashada ayaa u dhici doona sidan:

19-ka Oktoobar iyo 29-ka Oktoobar  waxaa is leh BARWAAQO

20-ka Oktoobar iyo 30-ka Oktoobar waxaa is leh : REJO

21-ka Oktoobar iyo 31-ka Oktoobar  waxaa iska leh: HORSEED

22-ka Oktoobar iyo 1-da Nofeembar waxaa iska leh: TALO-WADAAG

23-ka Oktoobar 2-da Nofeembar iyo 10-ka Nofeembar waxaa iska leh: UCID

24-ka Oktoobar iyo 3-da Nofeembarwaxaa iska leh : KAAH

25-ka Oktoobar iyo 4-ta Nofeembar waxaa iska leh: HILLAAC.

26-ka Oktoobar iyo 5-ta Nofeembar waxaa iska leh: SHACABKA.

27-ka Oktoobar iyo 6-da Nofeembar iyo 8-da Nofeembar waxaa iska leh: WADDANI

28-ka Oktoobar, 7-ka Nofeembar iyo 9-ka Nofeembar waxaa iska leh: KULMIYE.

Dadweynaha Somaliland ayaa u dareeri doona doorasahda subaxnimada 13-ka bisha November, iyada oo natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqi doono isla bishaas 20-keeda.

Haddii ay dhacdo doorashadan xilliga la muddeeyay, waxay soo af-jari doontaa khilaaf siyaasadeed oo hareeyay Somaliland labadi sano ee lasoo dhaafay, kaas oo saameyn ku yeeshay dhinacayda horumarka, amniga iyo siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here