Saturday, July 27, 2024

Ingiriiska oo ka caawinaya Soomaaliya dhibaatooyinka mustaqbalka

London (Dawan)- Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak ayaa sheegay in dowladdiisu ka caawineyso Soomaaliya dhibaatooyinka mustaqbalka iyada oo laga taagerayo mashaariicda horumarinta, sida beeraha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Hadalkaan ayuu ka sheegay shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ee maanta ka furmay magaalada London.

Rishi Sunak ayaa yiri ” Maanta, waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in aan Soomaaliya ka caawin doono in ay ka fogaato qalalaasaha mustaqbalka annagoo ku taageereyna ilaa £100 milyan”.

Ra’iisul Wasaraaha Ingiriiska ayaa sheegay in taageeradaan looga gol leeyahay sidii bulshadu u awoodi lahayd in ay helaan biyo ku filan, wax u beeran lahaayeen sidoo kalena ay ugu adkaysan lahaayeen masiibooyinka dabiiciga ah sida Abaaraha, Fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsatay xukuumaddiisu sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here