Friday, October 18, 2024

Kenya.. Dadka oo isaga cararaya dagaal beeleedka ka socda Tana River 

Nairobi (Dawan)- Ismaamulka Garissa, waxaa gaaray boqollaal qoys oo ka barakacay dagaallo beeleedyo ka dhacay ismaamulka Tana River, ka dib markii iska hor imaad xooggan uu dhexmaray dad ka soo kala jeeda qawmiyadaha Soomaalida iyo Munya ee halkaas ku wada nool.

Ilo wareedyo ka tirsan maamulka deegaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 80 qof ay ku dhinteen dagaallada, kuwaas oo billowday dabayaaqadii toddobaadkii hore, iyadoo ay jiraan dhaawacyo badan oo la gaarsiiyay isbitaallada kala duwan ee deegaanka.

Dagaalka oo ka soo bilowday tuulada Caanoole, ayaa ku fiday tuulooyin kale oo ay ka mid yihiin Bangale, Nanighi, iyo KBC, waxaana dagaalka ugu culus uu dhacay maalmihii u dambeeyay, taasoo sababtay in qoysas badan ay barakacaan.

Ciidamada booliska iyo milatariga ayaa loo daadgureeyay goobaha uu dagaalku ka socdo si ay nabadgelyada u soo celiyaan, waxaana laga sugayaa in xaaladda deegaannadaas la dejiyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa ku dhawaaqay bandow 40 maalmood ah oo lagu soo rogay qaybo ka mid ah Bangale iyo waqooyiga Tana River, halkaas oo dagaallada ay ku xoogeysteen.

Abaanduulaha Ciidamada Booliska, Douglas Kanja, ayaa amar ku bixiyay in dadka hubeysan ay sida ugu dhaqsaha badan u soo wareejiyaan hubka ay haystaan, si loo xoojiyo amniga.

Dhanka kale, barasaabka Tana River iyo xildhibaanka Galole ayaa la xiray iyaga oo loo haysto in ay jawaabo ka bixiyaan sababaha ka dambeeya colaadaha ka dhacay deegaankooda. Guddiga Qaranka ee Isku-dhafka iyo Isdhexgalka Bulshooyinka (NCIC) ayaa baaritaan ku sameynaya xaaladda ka taagan ismaamulka Tana River.

Culimada ku sugan Garissa iyo Tana River ee ka tirsan Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya (SUPKEM) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradaasi, iyaga oo sheegay in ficilladan ay si cad uga soo horjeedaan mabaadi’da diinta Islaamka, islamarkaana ay tahay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda.

Xaaladda deegaannadaas ayaa weli kacsan, iyadoo dadweynaha ay weli cabsi xooggan ka qabaan in dagaalladu dib u soo cusboonaadaan haddii aan xal waara laga gaarin colaadaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here