Saturday, July 27, 2024

Buuq ka dhashay dib u dhigista doorashada madaxtinimada Senegal

Dakar (Dawan)- Madaxweynaha Senegal, Macky Sall ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in ilaa amar dambe dib loo dhigay doorashada madaxtnimada dalkaas oo lagu ballansanaa in ay dhacdo 25- february 2024.

Go’aanka madaxweynaha waxaa ka dhashay walaac xoogan iyada oo ay ka hor imaadeen siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaas mudaaharaad looga soo horjeedo dib u dhigista doorashada.

Qaar ka mid ah musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in aan is hor istaag lagu sameynin jadwalka iyo habsami u soocda doorashada madaxtnimada oo lagu waday in ay maalmaha soo socda dhacdo.

Sidoo kale waxaa xabsiga loo taxaabay haweyneyda mucaaradka ah, horeyna u soo noqotay Ra’iisul wasaare Marwo Aminata Toure, iyadoo ay wehliyaan musharaxiin kale oo u tartameysay doorashada madaxweynaha.

Qaar ka mid ah mudaaharaadyada ka dhacay Dakar ayaa la arkayay iyada oo ay dadweynuhu gubayaan calanka Dowladda Faransiiska oo lagu eedeyo in ay taageerto Madaxweyne Macky Sall

Sabtidii, ayuu Madaxweyne Macky Sall ku dhawaaqay in la laalay wareegtadii lagu maamulayay doorashooyinka, iyadoo la tixgalinayo soo jeedinta Baarlamaanka, waana marki ugu horeysay ee dib loo dhigo doorashada dalka Senegal

Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin isbeddellada ka dhalan doona go’aanka dib loogu dhigay doorashada Senegal.

Bayaan kasoo baxay ECOWAS ayaa loogu baaqay siyaasiyiinta Senegal inay wada hadlaan oo ay iska kaashadaan qabashada doorashooyin hufan, dhamaystiran oo la isku halayn karo.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay go’aanka Madaxweynaha Senegal iyada oo ku tilmaamay tillaabo gelin donta dalka xaalad hubaal la’aan ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here