Wednesday, October 23, 2024

Itoobiya…33 qof oo loo xiray inay xatooyo ka sameeyeen suuqii dabku ka kacay

Addis Ababa (Dawan)- Boliiska magaalada Addis Ababa ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay n xabsiga loo taxaabay 33 qof oo lagu eedeeyay inay xatooyo ka geysteen suuqa ugu wayn magaalada ee Merkato  kaas oo dab ka kacay xalay.

Ugu yaraan 7 qof ayay soo gaareen dhaawacyo fudud, halka laba kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah oo ka dhashay dabka, sida laga soo xigtay Boliiska.

Boliiska ayaa intaas ku daray in dabkii ka kacay suuqa ugu wayn caasimaada Itoobiya fiidnimadii 21-kii Oktoobar 2024, uu geystay khasaare laxaad leh oo soo gaaray hantidii suuqa iyo xaafadaha ku dhaw .

Ilaa iyo hadda waxaa socda baaritaan la xiriira wixii sababay dabkaas. Waraka qaar ayaa tilmaamaya inuu ka dhashay koronto balse lama xaqiijin weli.

Dabku waxa uu billoowday 7dii fiidnimo waxa uuna socday ilaa 11:00 habeenimo, taas oo keentay inuu buburiyo goobo ganacsi oo kala duwan, oo ay ku jiraan bakhaarro, dukaamaha kabaha lagu iibiyo, qaybta dharka iyo xafiisyada bangiyada.

Sida Boliisku sheegay, dad badan ayaa sameeeyay falal xatooyo ah, waxayna qaateen alaab aysan iyagu lahayn, iyagoo ku gabbanaya inay hanti badbaadinayaan.

Suuqa oo uu ka muuqdo bubrur baaxad leh, hadda waxa ku sugan laamaha amniga ee kala duwan si looga hortago in la xado xoolaha dadwaynaha, iyada oo dib loo furi doono marka ay dhamaadaan baaritaanada socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here