Saturday, November 23, 2024

Itoobiya oo u taag la’a Malaariyada

Addis Ababa (Dawan)- Intii u dhaxaysay 1 Janaayo iyo 20 Oktoobar 2024, in ka badan 7.3 milyan oo xaaladood oo cudurka duumada ah ayaa laga diiwaan geliayay Itoobiya. 1157 oo ka mid ah dadkaas ayaa dhintay, sida ay sheegtay Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO.

Waa ًtiradii ugu badneed ee la xiriirta cudurka duumada oo laga diiwan geliyay Itoobiya toddobadii sano ee la soo dhaafay.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in ku dhawaad 75% dhulka lagu noolyahay ay ka jirto dhibaato ba’an oo la xiriirta cudurka duumada, taas oo keentay dhimasahda 20% carruurtda ay da’doodu ka yartahay shan sano.

Afarta gobol ee ugu badan ayaa kala ah; Oromia (44% xaaladood; 667 dhimasho), Amxaarada (18% xaaladood; 56 dhimasho ah), Koonfur Galbeed (12% xaaladood; 250 dhimasho ah) iyo Dowlad Deegaanka Koonfurta Itoobiya (7% xaaladood; 45 dhimasho ah).

Raggu waxay ka yihiin 56% kiisaska bukaan-socodka halka 52% ay ka yihiin bukaan-jiifka. Carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa ah 16% kiisaska bukaan-socodka iyo 25% bukaan-jiifka. Tirada badan ee dhanka ragga ayaa lagu sababeeyay socodokooda badan maadama ay shaqo u raadsadaan deegaano kala duwan.

Caqabadaha kale ee ka qayb qaadanaya in duuamdo faafto, waxaa ka mid ah inuusan dalakas ka jirin adeeg caafimaad oo xoog badan iyo dadku aysan si degdeg ah u heli karin dawooyinka lagama maarmaan u ah noloshooda.

WHO waxay ku qiimeysay halista uu cudurka duumdo ku hayo Itoobiya mid aad u sarreysa, waxaana ka qayb qaatay abaarta, cunta yarida, isbedelka cimilada iyo colaadaha ka jira dalkaas.

Dalalka kale ee deriska la ah sida Jabuuti, , Eritrea, Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan ayaa xooga yar ka wanaasgan xaaladda Itoobiya, inksata oo iyaga laftoodu ay ku jiraan xaalad dhexe.

Duumadu waa cudur halis ku ah nolosha aadanaha, waxaan lagu kala qaadi karaa in kaneecada dheddigu qaniinto dad kala duwan oo midkood qabi karo cudurka, isku shubidda dhiigga iyo wada isticmaalka cirbadaha. Hooyada aya sidoo kale u gubin karta ilmaha ka hor ama xilliga dhalmada.

Calaamadaha lagu garto duumada waxaa ka mid , qandho, madax-xanuun, iyo qarqaryo 10 ilaa 15 maalmood gudahood ka dib qaniinyada kaneecada. Haddii aan la daweyn, duumadu waxay noqon kartaa halis sababta dhimasho.

Sannadkii 2022, duumadu waxay ku dhacday Itoobiya ku dhawaad ​​3.3 milyan oo qof, sanadkii 2021, waxaa la diiwan geliyay 1.3 milyan oo qof, halka sannadkii 2023kii ay ku dhacday 4.1 milyan oo qof kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 527 oo dhimasho ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here