Wednesday, November 6, 2024

Halkuu ku dambeyn doonaa khilaafka Jubaland iyo Federaalka?

Muqdisho (Dawan)- Halkuu ku dambeyn doonaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlad goboleedka Jubaland iyo Dowladda Federaalka?


Haddii aad maqli jirtay dal hebel, waxa uu wadatashi ugu yeertay safiirka u fadhiya magaalo hebel, Soomaaliya xaalku sidaas waa ka duwanyahay, waxaana ka jira in dowlad goboleedyadu ay  u yeeraan mas’uuliyiinta kasoo jeeda deegaanadooda  ee ka mid ah federaalka.

“Xildhibaanada sharafta leh  ee labada aqal ku metela dowladda Jubaland waxaan ku casuumay kulan wadatashi ah inay isagu yimaadaan magaalada Kismaayo 8- ilaa 11 bishaan November”, sidaas waxaa lagu yiri; qoraal kasoo baxay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Waa arrin iska cad in kulankaas  looga hadli doono, go’aanka la  habboon Jubaland  ee laga qaadan karo  khilaafkii soo kala dhex galay Muqdisho iyo Kismaayo kadib shirkii  ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Mas’uulka dowlad goboleedka iyo kan federaalka yaa sarreeya, yayna tahay inuu xisaabiyo kan kale waa su’aal la is waydiin karo balse waxaan isha laga qarsan karin in madaxda dowlad goboleedyadu ay ka mid yihiin awoodaha  waaqicigaa ah ee ka  jira dalka, sidoo kalena ay saamayn xoogan ku leeyihiin rogrogitaanka siyaasadda.

Inta badan xildhibaanda labada aqal, waxay kusoo galeen Baarlamaanka ogolaanshaha madaxda dowlad goboleeyada mararka qaarna waxaa lagu xantaa inay jiraan xildhibaano ay  gacantoodo kusoo qoreen.

Jubaland ma waxay  xiririka u jari doonta federaalka, iyada oo ku dayanaysa  Puntland mise waxa ay la imaan doonta xeelad kale oo cadaadis lagu saari karo Villa Somaliya? Waa arrin lakala ogaan doono maalmaha soo socda haddii uu qabsoomo shirka uu Axmed Madoobe ku casuumay  xildhibaanada.

Saamaynta  khilaafka Jubaland iyo federaalka  

Hal maalin gudihiisa, waxaa xilka iska casilay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha , Cabdirashid Jire Qalinle iyo Axmed Cismaan Daqare oo ahaa wasiir ku xigeenka Waxbarashada .

Labaduba waxay xukuumaddii ay ka tirsanaayeen  ku eedeeyyeen inay ka leexatay arrimhii loo igmaday iyo ka shaqaynta danta umadda Soomaaliyeed.

Arrintan waxay culyes kale ku noqon doonta xukumadda uu hoggaamiyo Xamsa Cabdi Barre iyo guud ahaan siyaasadda Villa Somalia.

Dhinac kale marka la eego waxay muujineysa saamaynta ay Jubaland ku leedahay siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaandeeda.

Dhanka mucaaradka waxay tillaabadan uga dhigatahay inay  heleen dhiig cusub oo wax badan ka og qorshaha xukuumadda laakin waxay ku xirnaa doonta sida ay ula falgalaan.

Inkasta oo khilaafka Jubaland iyo Federaalka uu weli yahay mid cusub oo laga baaqsan karo  inuu sii fogaado hadana waxa uu u muuqdaa mid ku socda dardar xoogan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here