Wednesday, December 4, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Gole ayaa maanta ansixiyay qoondada miisaaniyadda sanadka 2025, oo dhan $1,342,476,311. Waxaa ogolaaday 172-Xildhibaan laba Xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Hargeysa

Olalaha doorashada Somaliland ayaa weli socda, iyada oo ururada iyo xisbiyada siyaasaddu ay ku loolamayaan sidii ay u heli lahaayeen kalsoonida dadwayna. Uruur siyaasadeedka Hillaac ayaa maanta soo gabgabeeyay maalmihii uu xaqa u lahaa inuu soo bandhigo ololihiisa doorashada.

Soomaaliya/ Masar

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar halkaas oo ay uga qaybelayaan shirka madasha magaalooyinka adduunka.

Kenya

Haashim Dhaqane Muxumad oo lala xiriirinayo inuu ku lug lahaa dilkii loo gaystay haweeney, gabadheeda iyo gabadh ay habaryar u ahayd oo Soomaali ahaa ayaa maanta lasoo taagay maxkamad ku taal Nairobi.

Itoobiya

Isbitaallada ugu waawayn gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa wajahaya dawo la’aan iyo shaqaalo yari kadib markii laga jaray miisaanaiyadii ay dowladdu siin jirtay.

UN

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka doodaya gantaalka ballistic-ga ee Kuuriyada Waqooyi ay tuurtay todobaadkii hore.

Itoobiya

Itoobiya waxay martigelinaysaa shir loogu tala galay in kor loogu qaado dulqaadka bulshada iyo ka shaqaynta arriimaha nabadda oo socon doona muddo laba maalmood ah. Waxaa iska kaashanaya shirka Wasaaradda Nabadda ee Itoobiya iyo Jaamacadda Maxamed Bin Zayed ee Imaaraadka Carabta.

Turkiga

Magaalada Antalya, ee ka midka ah goobaha ugu muhiimsan ee dalxiiska Turkiga ayaa qaabishay 16 milyan 131 kun iyo 847 dalxiisayaal ah tobankii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2024-ka.

Turkiga

Wasiirka Ganacsiga Turkiga Cumar Bolat iyo Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Maldives, Maxamed Siciid ayaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis mudnaanta siinaya hormarinta ganacsiga labada dal.

Yemen

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay baahida loo qabo in dhinacyada dalka Yemen ay bilaabaan wada hadal wax ku ool ah si loo gaaro xabad joojin dhameystiran iyo hannaan siyaasadeed oo dalka looga saaro xaaladda uu ku jiro.

Suudaan

Suudaan ayaa laashay heshiis ku kacaya 6 bilyan oo dollar ah oo ay horay ula gashay Imaaraatka Carabta si loogu horumariyo mid ka mida ah dekedaheeda. Go’aanka Suudaan ayaa daba socday eedeynteeda ah in Imaaraadku taageero ciidamada RSF ee kasoo horjeeda dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here