Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaare , Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cabdirashiid Maxamed Ducaale wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare.
Sidoo kale, waxaa Axmednuur Sheekh Maxamed loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda .
Magacaabistan ayaa timid maalin kadib markii ay xilalkan iska casileen Cabdirashid Jire Qalinle iyo Axmed Cismaan Daqare. Labaduba waxay xukuumaddii ay ka tirsanaayeen ku eedeeyyeen inay ka leexatay arrimhii loo igmaday iyo ka shaqaynta danta umadda Soomaaliyeed.