Saturday, July 27, 2024

Dood ka dhalatay natiijada imtixaanaadka dugsiga sare ee Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Kaliya 3% ardayda dhigata dugsiyada sare ee Itoobiya ayaa baasay imtixaanaadki sannadakaan ay galeen si ay ugu gudbaan Jaamacadda iyo Waxbarashada sare, sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda Waxbarashada ee dalkaas.

Natiijada sannadkaan ee imtixaanaadka dusgisiyada sare ee dalka Itoobiya ayaa u dhaw tii sannadki hore.

“845,188 arday oo ka qayb galay imtixaankii shahaadiga ahaa, 27,000 oo kaliya ayaa helay celceliska loo baahan yahay in lagu galo jaamacadda,” ayuu yiri Berhanu Nega oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.

Berhanu Nega ayaa intaas raaciyay ” “Tani waxay la macno tahay in 3.2% oo kaliya ay ku guulaysteen imtixaankii, taas oo muujineysa hoos u dhac boqolkiiba 0.01 marka loo eego sannad dugsiyeedkii kan ka horeeyay”

Macluumaadka aan helnay, waxa ay muujinayaan in Ardayday sannaddkaan u fadhiisatay imtixaanka dusigsa sare ee dowlad Deegaanka Soomaalida ay gaarayaan ilaa 22,000, waxaana gudbay oo kaliya 74 arday.

Wasaaradda Waxbarashada Itoobiya ayaa sheegtay in kala bar dusgiyadii sare aysan xitaa hal qof ka baasin imtixaanaadkii la galay.

Arrintaan ayaa dood iyo hadal hayn ka dhalisay gudaha Itoobiya iyada oo eed loo jeediyay hannaaka waxbarashada, ardayda iyo dhammaan waalidiinta kuwaas oo la sheegay in ay gabeen ms’uuliyad wadareedki saarnaa.

Dr Meseret Assefa, oo bare ka ah kuliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda Addis Ababa, ayaa aaminsan in natiija xumaadaan ay sabab u tahay hannaanka Waxbarashada Itoobiya oo aad u hooseeya, wuxuuna sheegay in qalabka iyo manhajka loo adeegsado waxbarashada uu aad u liito marka loo eego casriga la joogo.

Wasaaradda Waxbarashada waxa sheegtay in natiijadaan ay sabab u tahay dalaaladda la sameeyay ee looga hortegay qishkii imtixaanaadka.

Ardaydu waxa ay dhankooda sheeganayaan in loo keenay imtixaan aad u adag marka loo eego cashiradii ay qaadan jireen

Sida laga soo xigtay UNICEF, Itoobiya waxay samaysay horumar weyn oo xagga waxbarashada aasaasiga ah ee caalamiga ah sannadihii u dambeeyay, iyadoo 88.7% carruurta waddanku ay galeen dugsiga hoose sannadihii 2021-2022.

Iyada oo sidaas ay tahay ayaa hadana waxaa jira caqabad kale taas oo ah in ardaydaas aysan sii wadanin waxbarashadooda dugsiga sare ilaa Jaamacadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here