Saturday, November 23, 2024

Taliyaha ciidamada Kenya oo booqday xarunta ATMIS ee Dhoobleey

Nairobi (Dawan)- Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Kenya General Charles Kahariri ayaa shalay booqasho ugu tegay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee ku sugan Dhoobley. Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, General Kahariri wuxuu la kulmay saraakiisha ku sugan Dhoobleey , isagoo ku ammaanay sida ay uga qayb qaadanayan nabadda, ammaanka, iyo xasiloonida Soomaaliya.

General Kahariri ayaa gaarsiiyay ciidamada farriin uu ka siday madaxweynaha Kenya, William Ruto, taas oo ku saabsaneed kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayan xaqiijinta guulaha howlgalka iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Taliyuhu waxa uu tilmaamay muhiimadda uu dadaalkoodu u leeyahay soo celinta nabadda Soomaaliya iyo kaalinta Kenya ee xasiloonida Geeska Afrika.

General Kahariri ayaa ku booriyay ciidamada inay muujiyaan feejignaadaan xilligan lagu jiro kala guur iyo diyaar garowga howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), wuxuuna yiri; “In la muujiyo heerarka sare ee feejignaanta ayaa fure u ah in laga adkaado cadowga”

Taliyaha waxaa safarkiisa ku weheliyay saraakiil sare oo ay ka mid yihiin taliye ku xigeenka qeybta 2-aad Korneyl Meshack Kishoyian iyo Gaashanle Sare Bwana Haji Omari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here