Thursday, November 14, 2024

Xubnaha cusub ee Golaha Degaanka Garoowe oo la dhaariyay

Garoowe (Dawan)- Xarunta hay’adda PDRC ee magaalada Garoowe ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu dhaariyay xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Garoowe, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka tirsan Puntland, guddiga doorashooyinka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabaddan ayaa loogu diyaar-garoobay in golaha cusub uu si rasmi ah u bilaabo shaqadiisa.

Dhaarta kadib, golaha degaanka ayaa u codeeyay doorashada duqa ee caasimadda Garoowe, iyada oo Cabdulqaadir Geedi, markale loo doortay xilkan, waxaana ku xigeenkiisa cusub noqday Maxamed Cali Xamari.

Labaduba waxay ka tirsan yihiin xisbiga Kaah, kaas oo ku guuleystay in uu xafiisyada duqa iyo ku xigeenka ku helo heshiis dhawaan dhexmaray xisbiyada siyaasadda Puntland.

Heshiiskan siyaasadeed waxaa horay uga soo horjeestay xubno ka tirsan golaha degaanka Garoowe, kuwaas oo doonayay in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka degmada. Balse, arrimahaasi ayaa ugu dambeyn ku soo afjarmay faragelinta Puntland, taas oo keentay in ay ku guuleysato inay hirgeliso heshiiska.

Munaasabadda dhaarinta iyo fariisinta xildhibaanada cusub ee golaha degaanka ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, baarlamaanka, Guddiga Doorashooyinka PEC, iyo dhammaan 33-ka xildhibaan ee golaha degaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here