Monday, December 23, 2024

Xasan Sheekh iyo Abiy oo lagu wado inay yeeshaan kulan fool ka fool ah

Arusha (Dawan)- Ururka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC) ayaa qaaday tallaabo muhiim oo la doonayo in xal looga gaaro xiisadda u dhaxeysa Soomaaliy iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay qorshe shir ay isagu imaanayan madaxda Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda, si xal rasmi ah loogu helo xaaladda adag ee ka taagan Geeska Afrika.. Hadalkaan wuxuu ka sheegay munaasabadda 25-aad ee xuska Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo lagu qabtay magaalada Arusha, Tanzania.

Madaxweyne Ruto wuxuu ku celceliyay muhiimadda iskaashiga goboleed, isagoo ku baaqay in nabadda iyo xasilloonida gobolka si wadajir ah loo ilaaliyo.

Shirka la filayo ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah ee dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya tan iyo markii Itoobiya ay 1-dii Janaayo, 2024, saxiixday heshiis muran dhaliyay oo ay la gashay Somaliland. Heshiiskan ayaa Itoobiya u ogolaanaya marin muhiim ah oo ay kaga hawlgasho Badda Cas iyada oo usii mareysa Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday inay tahay dal madax-bannaan, halka Soomaaliya ay u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

Arrintan ayaa sababtay in Dowladda Soomaaliya ay si xoog leh uga soo horjeesato heshiiskaas, isla markaana ay dalka ka ceyriso safiirkii Itoobiya, taas oo abuurtay xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Inkasta oo Madaxweyne Ruto uusan shaacin waqtiga rasmiga ah ee shirka, haddana waxaa lawada ogyahay in Soomaaliya ay ku adkeysanayso in wax wada-hadal ah aanay la yeelan doonin Itoobiya ilaa laga laabto heshiiska muranka dhaliyay. Dhinaca kale, Itoobiya weli ma aysan qaadan tallaabo cad oo ku saabsan dib-u-eegista heshiiska.

Shirkan ayaa fure u noqon kara xasilloonida Bariga Afrika iyo mustaqbalka iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka, haddii uu hirgelao. Madaxweynaha Kenya ayaa rajo ka muujiyay in shirkan uu noqdo mid soo afjara khilaafka sidoo kalena uu horseedo is-afgarad iyo wada-shaqayn dhab ah oo ka dhex bilaabata dowladaha Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaate, qorshaha Ruto ayaa imaanaya iyada oo aysan wax natiija ah kasoo bixin laba shir oo ka dhacay dalka Turkiga.

Waxaa la sugayaa tallaabooyinka xiga ee dhinacyada ay qaadi doonaan, iyadoo ay muuqato in wada-hadalladaasi noqon karaan kuwo go’aamiya jihada mustaqbalka gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here