Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya oo Muqdisho laga furay
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya. Madashan ayaa ujeedadeedu tahay in ay noqoto meel lagu wadaago aragtiyo, talooyin, iyo xalal wax ku ool ah oo la xiriira maamulka internet-ka.
Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ansixisay natiijadii doorashada Ururrada iyo Axsaabta
Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa ansixisay natiijadii doorashada Ururrada iyo Axsaabta Qaranka, taasi oo ay hore Guddida Doorashooyinka ugu dhawaaqeen 19-kii bishan November.
Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Bariga Afrika
Madaxda dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC), ayaa maanta shir-madaxeedkoda kusoo gabagabeynaya magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Ururka.
Tacaddiyadii ka dhacay DDS oo weli loo raadinayo caddaalad
Kulanka wadatashiga bulshada iyo hogaaminta komishinka baadhista tacadiyadii ka dhacay Deegaanka Soomaalida, ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Jigjiga.
Ujeedada kulanka ayaa ah sidii ururrada bulshada loogu soo bandhigi lahaa shaqooyinka ay qabteen mudadii uu komishinku dhisnaa iyo shaqooyinka laga qabtay caddaalada xiliga kala guurka.
Carruurta Suudaan oo la il-daran gaajo iyo cudurrada faafa
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in carruurta Suudaan ay la il-daran yihiin gaajo, nafaqo-xumo iyo cudurrada faafa, kadib dagaalka daba dheeraaday ee ka socda Suudaan
Israel oo dishay in ka badan 44 kun oo Falastiiniyiin ah tan iyo October 2023
Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa ku dhawaaqday in tirada dadkii ku dhintay dagaalka Gaza ay gaartay 44,382 qof tan iyo October , 2023.
Dagaal qaraar oo ka socda Pakistan
Iska horimaadyo u dhaxeeya kooxa kala raacsan Sunniga iyo Shiicada oo toban maalmood ka socday waqooyi-galbeed Pakistan ayaa sababay dhimashada 13 kale oo dheeraad ah. Tirada guud ee dagaalka nuucaan ku dhimatay dalkaas tan iyo bishuu July ayaa gaartay 124 qof.