Arusha (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyey Shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), isaga oo si weyn u ammaanay iskaashiga iyo horumarka la gaaray tan iyo markii la aasaasay ururka . Wuxuu xusay in iskaashiga ka dhexeya dalalka xubnaha ka ah uu horseeday guulo muuqda, hadana ay muhiim tahay in lasii xoojiyo xiriirka dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka.