Monday, December 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Xiisadda dowladda Federaalka iyo Jubaland

Ilaa iyo afar doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidamo kasoo goostay Jubaland ayaa ku biiray ciidamada ay dowladda federaalka geysay Raas-kambooni, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Dhanka kale, warbaahinta ku hadasha afka Jubaland ayaa beenisay inay jiraan ciidamo ka goostay maamulka.

Hargeysa: Suuqa Waaheen oo dib loo dhisay

Waxaa dib loo furay Suuqa Waaheen kadib markii dib u dhis iyo casriyeyn lagu sameeyay, iyada oo ay goob joog ka ahaayen mas’uliiyiinta ugu sarreysa Somaliland. Suuqa ayaa ka kooban 644 meheradood oo qaab casri ah loo dhisay iyada oo loo sameeyay waddooyin waawayn. Suuga ayaa baaba’ay sannadkii 2022 kadib markii uu dab ka kacay.

Shir Madaxeedka Golaha Iskaashiga Khaliijka

Shir madaxeedka 45-aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa maanta ka furmay dalka Kuwait, waxaana ka qaybgalaya wufuud ka socota dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuwait, Baxrayn, iyo Cumaan.

Fatahaado xoogan oo ku dhuftay Thailand iyo Malaysia

Roobab mahiigaan ah oo ku da’ay koonfurta Thailand iyo waqooyiga Malaysia ayaa sababay fatahaado ba’an oo barakiciyey kumanaan qof.

In ka badan 100,000 qof ayaa Malaysia ku barakacay, halka Thailand ay fatahaaduhu saameeyeen in ka badan 500,000 oo qoys. Tirada dadka ku dhintay ayaa kor u dhaaftay 12 qof.

Doorashooyinka Baarlamaanka ee Romania

Dadka Romania ayaa maanta u dareeray codbixin lagu dooranayo 329 xubnood oo ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo 136 xubnood oo Aqalka Sare ah, kuwaas oo muddo afar sano ah fadhin doona Golaha Sharci dejinta ee dalkaas. Doorashadii ugu dambaysay ee baarlamaanka ayaa dhacday 11-kii December 2016.

Waxaa jira walaac ku saabsan kororka awoodda kooxaha midigta fog ee taageera siyaasadda Ruushka, maadaama Romania ay ku dhowdahay xuduudda Ukraine.

Maalinta HIV/AIDS oo laga xusay Afrika

Qaaradda Afrika iyo caalamka intiisa kale ayaa laga xusaya maalinta xanuunka HIV/AIDS. Africa ayaa ah qaaradda ugu badan ee uu cudurkaan saameynta ku yeeshay iyada oo xogaha lasoo bandhigay ay muujinayaan in 26 milyan oo qof ay la nool yihiin xanuunka.

Baadi-goob loogu jiro dad ku dhintay daadadkii Uganda

Ciidamada Uganda oo gaaraya 100 askari ayaa loo diray bariga Uganda si ay uga qayb qaataan baadi goobka loogu jiro dad ku dhintay daadadkii dalkaas ku dhuftay oo sababay in dhulku go’o. Ugu yaraan 20 qof oo meyd ah ayaa laga helay dhulkii dumay.

Senegal oo xusaysa 80-guuradii xasuuqii Thiaroye

Senegal ayaa maanta xuseysa sannad guuradii 80-aad ee kasoo wareegatay xasuuqii Thiaroye, oo ahaa dhacdo lagu laayay askar kasoo jeeday Galbeedka Afrika.

Askartaas ayaa u shaqayn jirtay gumyeytihii Faransiikka balse waxay isku dhaceen markii loo diiday in la siiyo xuquuqdi mushaarkooda kadibna waxaa laayay ciidamadii Faransiiska. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa toddobaadkii hore markii ugu horreysay ku dhawaaqay in dhacdadaas loo aqoonsaday ” xasuuq”

Baadi-goob loogu jiro ku dhawaad 200 oo qof oo doon kula degtay Nigeria

Shaqaalaha gurmadka ayaa weli baadi goob ugu jira ku dhawaad ​​200 oo qof oo la la’yahay kadib markii ay dooni ay la socdeen ku degtay gobolka Kogi ee dalka Nigeria.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here