Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar, uu Addis Ababa cabasho iyo cambaareyn rasmi ah ugu gudbiyay dhiggiisa Itoobiya, Safiir Mesganu Arega, taas oo ku saabsan falalka ciidamada Itoobiya ee Doolow. Wasiiru-dowlaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas.
Dhankiisa, Safiir Mesganu Arega ayaa ballanqaaday in Itoobiya ay diyaar u tahay inay bilowdo baaritaan degdeg ah si loo xaqiijiyo wixii dhacay.
Kulanka labada wasiiru-dowlo ayaa sidoo kale looga hadlay adkeynta xiriirka labada dal iyo la dagaallanka caqabadaha amniga gobolka, iyadoo labaduba ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalkooda.
Hase yeeshee, Itoobiya ayaa war-saxaafadeed hore ku beenisay eedeymaha Soomaaliya ee ku saabsan weerarka Doolow, kuna tilmaantay kuwo aan sal iyo raad lahayn, iyagoo farta ku fiiqay in falkaas ay ka dambeeyaan xoogag saddexaad oo doonaya inay carqaladeeyaan xiriirka labada dal.