Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo faahfaahiyay ujeedada heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay ahmiyadda uu leeyahay heshiiska iskaashiga difaaca ee ay wada saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee uu Baarlamaanka Soomaaliya maanta ansixiyay.

Madaxweynaha oo ansixinta heshiiska kadib qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in ujeedada heshiiska ay tahay in Badda Soomaaliya looga difaaco kooxaha Argagixisada, Bucad-badeedka, kallaaumeysiga sharci darrada ah iyo cid kasta oo kusoo xad gudubta xeebaha Soomaaliya.

“Haddaan dagaal ugu jirnay inaan dhulkeena argagixisada ka difaacno maanta waxaan dagaal kale u galeynaa baddeena inaan ka xoreyno kuwa argagixisada ah ama sharci darada dowladda Soomaaliyeed shuruucdeeda ku xadgudbaya” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday inuu ka sheekeeyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo sannadihii ugu dambeeyay sii xoogeystay, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed niyadda ugu qaboojiyay in Turkigu yahay Dowlad lagu kalsoonaan karo, diyaarna u ah in ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha ciidanka Badda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa yiri, “Dowladda Turkiga waa dal aan ku aamini karno howlaha qaarkood… Turkiga waxay noqotay dalkii u horreeyay ee diyaar noola ah (Kaalmo). Cid kasta oo danta Soomaaliya ay ku jirto waa la heshiineynaa”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in heshiiska ay Soomaaliya la gashay Turkiga uu soocn doono ilaa tobon sano, iyada oo muddadaas lagu dhisi doono ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh ilaalinata xeebaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu meesha ka saaray tuhunka ah in ujeedka heshiiskaan uu yahay in Soomaaliya ay dagaal la geleyso Itoobiya, wuuxna yiri, “Turkiga kaalmada aan weydiisanay ma ahan in Itoobiya lala diriro iyo in dal kale looga duulo dalkeena

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Kulanka waxaa soo xaadiray 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskan u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Heshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa go’aan Soomaaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa go’aan Soomaaliya ka saaraya madi-nimadii iyo walaal la’aantii, waa go’aan Soomaaliya u sameynaya saaxiib dhab ah oo ay caalamka ku yeelato”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in heshiiskaan uu soo afjarayo in badda iyo waxa ku jira looga baqo argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo, xadgudub iyo halis kaga timaadda dibadda.

“Heshiiskan waxa uu dhisaya, tababarayaa, isla markaana qalabeynayaa ciidankeenna badda, si ay ula wareegaan difaaca baddeenna. Heshiiskan waxa uu kordhinayaa wax soo saarka baddeenna iyo dhaqaalaha buluugga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Heshiiska dhanka Difaaca ee ay Dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga ayaa imaanaya iyadoo ay jirto xiisadda dhana badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here