Wednesday, January 1, 2025

Sawirro: Goormee Soomaaliya laga furayaa hotelkii ugu horreeyay ee 5 Star ah?

Muqdisho Rotana ayaa noqonaya hoteelkii ugu horreeyay ee heer caalami ah oo 5-star ah oo laga hirgeliyo Soomaaliya, isaga oo astaan u noqonaya dib-u-habeynta iyo casriyeynta caasimadda.

Hotelkaan Five Star-ka ah ee la qorsheeyay inuu furmo 2026 ayaa ka koobnaan doono 321 qol oo isugu jira 260 qol oo hotel ah 60 Hotel apartment ah, halka uu yeelanayo Gym, Spa, maqaayado kala duwan oo laga cunteeyo, hoolal munaasabado iyo xarumo ganacsi. Naqshada hoteelka oo kulmineysa bilic casri ah iyo dheeha dhaqanka maxalliga ah ayaa loogu talo galay inay ka dhigto mid hoggaan u ah dib-u-soo-nooleynta Muqdisho.

Hotelka oo u dhow Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ayaa kaalin weyn ka qaadanaya is bedelka qorshaha deegaameynta caasimadda si loogu beddelo magaalo horumarsan. Sidoo kale qorshaha deegaankaan waxaa ku jira xarun shirar caalami ah, Isbitaal, Suuq-weyne laga dukaameysto, deegaan, xarun ganacsi iyo dugsi kamid ah deegaankan.

Si loo maamulo hawlgallada maalinlaha ah, iyadoo la bixineyo adeegyo martigelin oo heer sare ah, Mogadishu Rotana Hotel waxaa maamulaya Aleph Hospitality, oo ah shirkadda ugu weyn ee madax bannaan ee hotello maamusha Bariga dhexe iyo Afrika. Shirkaddaan oo khibrad 10 sano ku dhow u leh martigelinta ayaa maamusha hoteello badan oo qaaradda Afrika ku yaalla taas oo keeneysa khibrad aan cidna  lala barbar dhigi karin.

Maamulaha Guud ee Rotana Philip Barnes oo munaasabadda saxiixa ka hadlay ayaa yiri “Mashruucaan waxa uu hiigsanayaa inuu halbeeg cusub u dejiyo adeegyada raaxada leh ee Bariga Afrika, si weyn ayaana ugu farax sannahay inaan qeyb ka nahay. Ujeedadeena aasaasiga ah waa inaan waddanka u diyaarino hotel five star ah oo bar-kulan u noqdo ganacsiyada caalamiga ah, dalxiiska iyo isdhexgalka. Innagoo ka faa’deysaneyna khibradda Rotana ee ah bixinta adeeg heer caalami ah, waxaan rajeyneynaa inaan hore u dhaqaajino dib u soo nooleynta Soomaaliya innagoo ka galeyna horumarinta dhanka martigelinta. Sidoo kale Hotelkaan waxa uu muhiim u yahay shirkadeena wuxuuna ka marqaati kacayaa sida aan waddanka ugu heellannahay iyo dhammaan gobolka Bariga dhexe iyo Afrika. ”

Sidoo kale Guddoomiyaha Riverside Holding, Jibriil Xasan Maxamed ayaa munaasabadda saxiixa ka yiri: “ La-shaqeynta Rotana waxay astaan u tahay horumar la isku halleyn karo oo ka jira suuqa martigelinta ee Soomaaliya, Iskaashigaan waxa uu hormurakeena ku biirinayaa khibrad heer caalami ah, wuxuuna xoojinayaa u-heellanaanteenna dib-u-hanaqaadka dhaqaalaha  Muqdisho. Waxaan hubnaa in mashruucan uu gobolka u dejin doono heer cusub, isla markaana uu horseedi doono koboc iyo fursado aad u ballaaran. Waxaan si weyn ugu mahadcelinaynaa dhammaan bahwadaagteenna, kuwaas oo taageeradooda iyo u-heelanaantooda ay suurtagal ka dhigtay in himiladan ay dhabowdo

Aasaasaha iyo maamulaha Aleph Hospitality, Bani Haddad ayaa isna sheegay Waxaan aad ugu faraxsanahay in naloo igmaday maamulidda hoteelkeenii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa inaan si dhow ula shaqeyno Riverside Holdings iyo Rotana

Dhismahan cusub wuxuu noqon doonaa kii 118aad ee Rotana ka hirgeliso gobolka, iyadoo xoojinaysa ballaarinta Rotana ee Afrika. Sidoo kale, shirkaddu waxay rajeyneysaa in sanadka 2026 ay furto Arjaan Hotel Apartments  oo ka kooban 140 qol, kaas oo laga hirgelin doono Dakar, Senegal. Intaas waxaa dheer, Rotana waxay horumarineysaa mashaariic hotello raaxo leh iyo xarumo dalxiis oo xiiso leh oo ku yaalla Accra, Cotonou, Qaahira, iyo Luxor.

Rotana waxay hadda maamushaa 81 hoteel oo ku yaalla Bariga Dhexe, Afrika, Bariga Yurub, iyo Türkiye, iyada oo sanad walba loogu adeego in ka badan lix milyan oo marti ah. Shirkaddu waxay sii ballaarinaysaa joogitaankeeda iyadoo haysata mashaariic cusub oo xooggan oo laga hirgelinayo Imaaraadka iyo suuqyo caalami ah, taasoo xoojinaysa sumcadeeda hoggaamineed ee caalamiga ah ee dhinaca martigelinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here