Saturday, July 27, 2024

Catriona Laing: Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa halis

Muqdisho (Dawan)- Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa walaac xoogan ka muujisay khilaafka xoogan ee soo kala dhax galay dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ee ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Catriona Laing ayay ku sheegtay in mustaqbalka Soomaaliya uu halis ku jiro haddii aan Puntland si buuxda looga qeyb gelin horumarka socda.

Catriona Laing oo markii afaraad booqasho ku tagtay Garoowe tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay ayaa shalay kulan la qaadatay Madaxweyne Deni iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa, waxayna isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeyay ee dalka gaar ahaan arrimaha Dastuurka.

Sida uu sheegay Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya la wadaagay go’aanka ay Puntland xiriirka ugu jartay dowladda Federaalka.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay Qaramada Midoobey ka fuliso deegaanada hoos taga Puntland iyo sidii loosii dardargelin lahaa wadashaqeynta toos ah oo dhax marta labada dhinac.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay nuqulka rasmiga ah ee cutubyada Dastuurka ee lagu sameeyay wax ka bedelka, waxa uuna sheegay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay dib u dhiska hay’adaha dowladnimada Soomaaliyeed, horumarinta dimuqraadiyadda, sinnaanta iyo caddaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed, xoojinta iskaashiga, maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here