Sunday, April 20, 2025
Array

Maxay yihiin amarrada cusub ee lagu soo rogay ajaanibta iyo ganacsatada?

Sakariye Hassan,
Soohoyde

Muqdisho, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray amaro cusub oo ku wajahan shirkadaha, ganacsiyada, iyo shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala dalka, kaas oo faraya in ay qaataan shahaadada dambi-la’aanta ee ay bixiso waaxda CID.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan, ayaa warb aahinta u sheegay in tallaabadan lagu xoojinayo ammaanka dalka, isla markaana ay gacan ka geysaneyso xakameynta maalgelinta kooxaha argagixisada ah.

Dhamaan shirkadaha, NGO-yada, iyo hay’adaha aan dowliga ahayn waxaa laga doonayaa inay helaan shahaadada dambi-la’aanta si loo xaqiijiyo in aysan ku lug lahayn maalgelinta kooxaha xagjirka ah,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Boolisku waxa uu sidoo kale uga digay hay’adaha caalamiga ah in aysan la macaamilin shirkado aan heysan shahaadada dambi-la’aanta, isagoo xusay in ciddii amarkaan ka hortimaada laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli dowladda Soomaaliya ay marar  badan sheegtay in dadaal ugu jirto la dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo xoojinta xasilloonida dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here