Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u joojisay uruurinta khidmadaha la xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya ama soo galaya dalka. Go’aankan ayaa la xiriira sharciga maamulka dakhliga dalka, waxuuna si lama filaan ah uga hor yimid qorshihii Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka ee hirgelinta buugan.
Xeerarka Lagu Saleeyay Go’aanka Wasaaradda Maaliyadda
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu caddeeyay in go’aanka lagu saleeyay:
- Sharciga Maamulka Dakhliga Soomaaliya ee la ansixiyay sanadkii 2019.
- Qaraarka Golaha Wasiirrada ee 21 Agoosto 2024, kaasoo mamnuucaya in dakhli dowladeed lagu shubo ama lagu hayo koonto bangi aan ahayn Khasnadda Mideysan ee dowladda.
Go’aankan Wasaaradda Maaliyadda ayaa yimid xilli la filayay in la dhaqan-geliyo waajibka buuga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya ama soo galaya dalka, oo lagu waday inuu hirgalo 3-da Febraayo 2025. Joojinta khidmadaha ayaa ka dhigan in rakaabka aan lagu khasbi doonin inay bixiyaan lacag la xiriirta buugan.
Kadib go’aanka Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa iyaduna soo saartay go’aan kale oo lagu hakiyay waajib ahaanshihii qaadashada tallaalkii Yellow Fever iyo tallaalada kale ee lagama maarmaanka ah, inta laga dhameystirayo habraaca hirgelinta shahaadada caafimaadka.
Go’aanka Wasaaradda Maaliyadda wuxuu beddelay qorshihii hore ee lagu dhaqan-gelin lahaa buuga caafimaadka, taasoo dhalisay su’aalo la xiriira habraaca cusub ee dadka rakaabka ah ku mari doonaan tallaabooyinka caafimaadka. Wasaaradda Caafimaadka ayaa la filayaa inay caddeyso tallaabooyinka xiga si loo hubiyo badqabka safarka rakaabka.