Wednesday, February 5, 2025

Al-Shabaab Oo Afduub Ka geystay Gudaha Kenya

Shan Mas’uul Oo Ka Tirsan Dowladda Kenya Oo Lagu Afduubtay Mandera

Koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka gudaha Kenya ku afduubtay shaqaale dowladeed, sida ay xaqiijiyeen booliska Kenya.  

Taliyaha Booliska Koofurta Mandera, Julius Njeru, ayaa sheegay in shan mas’uul oo ka tirsanaa dowladda Kenya, kuwaas oo safar u ahaa magaalada Ceelwaaq, ay kooxdu ku weerartay Wargadud, ka dibna ay halkaas ka afduubteen.  

Mas’uuliyiinta la afduubtay ayaa la sheegay inay ahaayeen guddoomiyeyaal xaafado ka tirsan degmada Mandera. Booliska Kenya ayaa wada hawlgal lagu baadi-goobayo mas’uuliyiintan, iyagoo shacabka deegaanka ka codsaday in ay la wadaagaan xog kasta oo suuragal ka dhigi karta in la soo helo dadka la afduubtay.  

Mandera waxay ka mid tahay gobollada Kenya ee ugu badan ay bartilmaameedsadaan Al-Shabaab, maadaama ay xuduud la leedahay Soomaaliya iyo Itoobiya. Arrintani waxay sahlaysaa in kooxdu ay si fudud ugu gudubto gudaha Kenya, halkaas oo ay ka fuliso weeraro.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here