Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo yeelaneysa Hay’adda saadaasha Hawada iyo Cimilada

Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya xilligan ma u baahantahay in ay yeelato hay’ad u madax bannaan ka warqabkabka saadaasha hawada iyo isbeddalka cimilada?

Golaha Wasiiradda xukuumada Soomaaliya ayaa khamiisti lasoo dhaafay (26 October 2023) ansixiyay sharciga dhisidda hay’adda saadaasha hawada iyo cimiladda.

Sharcigaan ayaa loogu tala galay in uu wax ka qabto qabto Nidaaminta, isku dubaridka, la socodka, maaraynta, odoroska heerka wabiyada iyo fatahaadaha iyo bixinta adeegyada Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya.

Sida sharciga ku xusan Gudooomiyaha Golaha Maamulka hay’adda iyo maareeyaha guud waxaa soo magacaabaaya Madaxweynaha Soomaaliya balse waa soo jeedin ku yeelan doona wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimildda.

Xilka qaadista Xubnaha Golaha Hay’adda waxaa loo raacaaya isla habraacii lagu magacaabay, sida ku qoran sharciga qodobkiisa 11-aad.

Sidoo kale waxa mas’uul ka noqon doona siyaasadda guud ee lagu hagayo hay’adda wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda iyadoo oo aan waxba loo dhimeynin madaxbanaanida hay’adda, sida ku cad sharcigaan.

Hay’addan waxay mas’uul ka tahay bixinta adeegyada Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada  dalka islamarkaana waa talo-bixiyaha koowaad ee dhanka farsamada ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ku saabsan arrimaha la xiriira Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, howlaheeda ay qabaneyso waxaa ka mid ah: –

  • Horumarinta, dib-u-eegista, kormeeridda, hirgelinta siyaasada Dowladda ee Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada  iyo culuumta la xiriirta;
  • Horumarinta, dib u eegista iyo hawlgelinta qaab-dhismeedka Qaranka ee adeegyada Hawada si ay gacan uga geystaan, tayeynta xiriirinta taxanaha ah ee nidaamka xogta adeegyada Hawada, qaabeynta xogta, tijaabada hababka kala duwan, iyo soo saarista xog cimilo faa’ido u leh adeegsadaha;
  • In ay dhisaan ayna gacanta ku hayaan, una kuurgalaan shabakadda hawada sare iyo Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, Webiyada iyo Badda;
  • In ay dhisaan, gacantana ku hayaan habab xogeed isku dhafan, si waafaqsan Nidaamka Xogaha ee Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada  Adduunka (WMO), ee loogu talo galay isweydaarsiga xogta Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada  iyo agabka la xiriira;
  • In ay bixiyaan adeegyada Saadaasha Hawada iyo Cimilada isla markaana la heli karo xogaha arrimahaas la xiriira xiliga loo baahdo.
  • In ay dhisaan, gacantana ku hayaan nidaamka maamulka Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada  ee loogu talagalay ka baaraan-degista xogta, daraasadeynta, saadaalinta iyo kaydinta;
  • Diyaarinta iyo faafinta Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, sidoo kalana ay soo saaraan talooyin, wargelinno iyo digniinada dhacdooyinka Hawada daran iyo midda ba’an si loo dhimo khatarta musiibooyinka, si waafaqsan Nidaamka Digniinta Hor Tabinta leh Khatarta weyn;
  • Diyaarinta iyo faafinta talooyinka digniinta hordhaca ah ee badda iyo sunaamiga (bad-gariirka) sida ay Guddiga Caalamiga ee Cilmiga Badweynnada (IOC) ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka (UNESCO) ugu asteeyeen  Xarunta Ilaalinta Badweynta Hindiya ee Sunaamiga;
  • Diyaarinta iyo faafinta adeegyada Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada  ee beeraha si sare loogu qaado awoodda wax soo-saarka iyo kordhinta dulqaadka loo leeyahay dhibaatooyinka ay sababaan dhacdooyinka ba’an ee la xiriira kala duwanaanshaha iyo isbedelka cimilada;
  • La socodka asalka wasakheynta deegaanka iyo iskumilanka kiimikada hawada sare, si loo ogaado gaasaska waxyeellada u geysta ee Dalka, loona qiimeeyo tayada hawada iyo ogaanshaha isbedelka hawada iyo asbaabta keentay;
  • In ey saadaaliso, sidoo kale digniin ka bixiso daadadka, qalalka  wabiyadaa iyo xeebaha Soomaaliya, taasoo muhiim u ah bed qabka dadka, xoolaha, hantida ma guurtada ah, daryeelka bii’adda, si ay u sahasho joogteyta maamulka iyo maareynta biyaha

Xarunta Dhexe ee hay’addaan ayaa Muqdisho laga furidoonaa si lamid ah hay’adaha kale ee dowladda ee hadda shaqeeya, sidoo kale hay’addaan ayaa xarumo kale ka furan doonta dhamaan dowlad goboleedyada sida lagu xusay sharciga hay’adda.

Hay’adda ayaa yeelaneysaa Gole lagu magacaabo “Golaha Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada” wuxuuna ka koobanaan doonaa Shan iyo Toban (15) xubnood oo kala ah:

  1. Guddoomiyaha Golaha;
  2. Mareeyaha Guud ee Hay’adda;
  3. Xubin ka socota Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada;
  4. Xubin ka socota Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee Wasaaradda Gaadiidka;
  5. Xubin ka socota Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka;
  6. Xubin ka socota Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta;
  7. Xubin ka socota Hay’adda Maareynta Masiibooyinka;
  8. Xubin ka socota Xafiiska Garyaqaanka Guud;
  9. Lix xubnood oo ka imaanaaya mid walba oo ka mid ah Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir
  10. Seddex xubnood oo kale oo aan aheyn saraakiil Dowladeed oo aqoon iyo khibrad u leh mid ka mid ah arrimahaan:

 Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada
 Duulista
 Badda;
 Beeraha
 Xoolaha;
 Maamulka Khayraadka Biyaha; iyo
 Saadaasha Khatarta Musiibooyinka

Ugu danbeyn Sharcigani wuxuun dhaqan gelayaa marka ay ansixiyaan Barlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu saxiixo Madaxweynaha, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ee dowladda.

Soomaaliya ayaa xiligan wajaheysa saameynta isbadalka cimilada, sida fatahaadaha deegaanada ku xeeran wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

La’aanta hay’adaha saadaasha hawada si ay dadka Soomaaliyeed uga digtoonaadaan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay arrinta ugu weyn ee caqabadahan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here