Wednesday, April 16, 2025

Soomaaliya oo cusbooneysiineysa heshiiskii difaaca ee Mareykanka

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu soo jeedisay Dowladda Mareykanka inay cusbooneysiiso heshiiskii difaaca ee labada dal ay wada galeen sannadkii 1980-kii, sida uu shaaciyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Omar.

Wasiir Cali ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyay telefishinka TRT intii lagu guda jiray Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka socota magaalada Antalya ee dalka Turkiga. Wuxuu muujiyay muhiimadda istiraatijiyadeed ee xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya, gaar ahaan iyadoo la tixgelinayo xaaladaha juqraafiyeed iyo siyaasadeed ee is bedbedelaya ee Geeska Afrika.

“Waxaan hadda dalbaneynaa in la cusbooneysiiyo heshiiska si Mareykanku uu u sii isticmaalo dekedaha iyo garoomada ay horey ugu isticmaali jireen — Berbera, Kismaayo iyo Muqdisho. Haddii ay u baahdaan xarumo dheeraad ah, waanu diyaar u nahay,” ayuu yiri Wasiir Cali.

Heshiiskaas oo la saxiixay xilligii Madaxweyne Jimmy Carter, ayuu sheegay in uu oggolaanayay ciidamada Mareykanka in ay isticmaalaan dekedo iyo garoomo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Soomaaliya. Wasiir Cali wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, taas oo sare u qaadaysa muhiimadda istiraatijiyadeed ee dalka.

Wasiirku wuxuu sidoo kale adkeeyay in Mareykanku yahay saaxiib istiraatiji ah oo muhiim u ah Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro ururrada Al-Shabaab iyo Daacish. “Mareykanka waa muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daesh, waxaanan u baahanahay taageeradooda mar kasta,”ayuu yiri.

Qorshahan dib-u-cusbooneysiinta ayaa imanaya iyadoo Dowladda Soomaaliya bishii Maarso 2025 u gudbisay Mareykanka hindise la xiriira saldhigyo milatari iyo kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ku jiraan garoomada Balidogle iyo Berbera, iyo dekedaha Berbera iyo Boosaaso — arrin ay ku tilmaameen in ay qayb ka tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here