Sunday, May 19, 2024

Jabuuti iyo Uzbekistan oo kala saxiixday heshiis diblomaasiyadeed

Washington (Dawan)- Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis diblomaasiyadeed la saxiixatay dowladda Uzbekistan, iyada oo heshiiskan laga gol leeyahay in lagu xoojiyo xiriirka labada dal.


Sida ay sheegtay warbaahinta Jabuuti, , dhinaca Jabuuti waxaa heshiiska u saxiixay ergayga joogtada ah ee Qaramada Midoobay ahna safiirka u fadhiya Washington, Maxamed Siyaad Ducaale, halka dhinaca Uzbekistan uu u saxiixy ergaygeeda joogtada ah ee Qarmada Midoobay Ulugbek Lapasov.

Labada safiir ayaa ku nuux-nuux saday in saxiixa heshiiskan uu ka dhiganyahay albaab cusub oo u furmay xiriirka iyo wadashaqeynta labad dowladood, iyada oo la iska kaashanayo arrimaha caalmiga ah sida nabadda iyo arrimaha u gaarka ah labada dowladood.

Sidoo kale heshiskan ayaa ka tarjumaya rabitaanka labada dal ee ku aaddan yagleelidda iskaashi xoogan oo dan u ah labada shacab, sida ay sheegeen labada safiir.

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal badan ku bixisay adkaynta xiriirka saaxibtnimo ee kala dhaxeeya dalalka dunida, waxayna inta baan diiradda saartaa iskaashiga dhanka ganacsiga, maalgashiga, nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo caalamka.

Jabuuti waxa ay si firfircoon uga qayb qaadataa dadaallada nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyada oo sidoo kale aad ugu ololeysa xoojinta iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee dallaka Bariga Afrika.

Jabuuti waa dal yar oo dhaca Geeska Afrika ayna ku noolyihiin 1.1 milyan oo qof, kaas oo xornimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska 1977.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here