Muqdisho, 14 Abriil 2025 – Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay ku darsatay $3.9 milyan gargaarka ay siiso Hay’adda Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loo xoojiyo Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF), kuwaasoo la dagaallamaya Al-Shabaab. Taageeradan cusub ayaa ka dhigaysa wadarta guud ee taageerada Ingiriiska in ka badan $50 milyan tan iyo 2021.
Taageerada waxaa ka mid ah agab muhiim ah sida sahayda cuntada, shidaalka, iyo adeegyada badbaadinta dhaawacyada ee loo fidiyo ciidamada SSF. Taageerada cusub ayaa sidoo kale xoojin doonta awoodda ciidamada Soomaaliya ee kujira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Mike Nithavrianakis, Safiirka UK ee Soomaaliya, ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin inay sii wadaan taageerada amniga Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay dalalka kale inay ka qayb qaataan sanduuqa UNSOS SSF si loo taageero ciidamada geesiga ah ee Soomaaliya.
“UK waa saaxiib adag oo Soomaaliya heysato, waxaana ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo taageero dheeraad ah si aan u taageerno dagaalka ka dhanka ah xagjirrada. Waxaan ku dhiirrigelinayaa dhammaan saaxiibada kale inay taageeraan Sanduuqa UNSOS ee SSF, si aan u xoojinno ciidamada geesiga ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Mike Nithavrianakis.
Hussein Sheikh Ali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, ayaa xusay muhiimada taageeradan iyo sida ay u caawinayso SSF, isagoo ku celiyay ballanqaadka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hufnaanta iyo mas’uuliyadda isticmaalka kheyraadkaas.
Taageerada cusub waxay qeyb ka tahay dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga Soomaaliya iyo nabadgelyada gobolka.