Muqdisho, 19 Abriil 2025 – Fasax dheer kadib, Xildhibaanada Golaha Shacabka kulankoodii ugu horreeyay ee toddobaadkan waxa uu ku daahfurmay buuq iyo sawaxan.
Kulankii maanta ee Golaha Shacabka daqiiqadihiisii ugu horreeyay waxaa hareeyay buuq ka bilowday xildhibaano ka tirsan baarlamaanka kuwaas oo doonayay in ajandaha lagu daro mooshin ku saabsan xilka ka xayuubintii lagu sameeyay Xildhibaan Cabdulaahi Xaashi Abiib.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa arrinkaas ka hor yimid isaga oo sheegay in xeer-hoosaadka u yaalla baarlamaanka uusan aqbali karin codsiga xildhibaanada.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in kulankii maanta dib loo dhigay xildhibaanadii mooshinka soo gudbiyay daraadood, sidaasna kulanka uu ku baaqday.
“Maantana walaalaheen xildhibaanadaas oo tacadigaas nagu sameeyay, makaroofankii burburiyay, hadana buuqa sameeyay daraadood, maanta fadhigii dib ayaan u dhigay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Waxa uu intaas raaciyey Guddoonka in ciddii qabta dood sharci ah ay birri usoo gudbiyaan.
Kadib xiritaanka kulanka, qaar kamid ah xildhibaanada ayaa bannaanka golaha kula hadlay warbaahinta, iyaga oo sheegay in laga hor istaagay xuquuqdii ay lahaayeen xildhibaanada sida inay mooshin gudbin karaan iyo soojeedin sameyn karaan.
“Baarlamaanka waxaa ka dhacay maanta waxaan caadi ahayn. Xuquuqii xildhibaanka ee ahayd inuu mooshin keeni karo, inuu ajandaha wax ka beddeli karo, inuu soo jeedin sameyn karo – intaba waa naloo diiday. Xuquuqdaas waxaa naga qaaday guddoomiyaha baarlamaanka. Maxaa ka dhashay? Waxaa ka dhashay inuu baarlamaankii furmi waayo,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.
Bishii Maarso 15-keedii, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in xildhibaan ka tirsanaa Golaha uu lumiyay xubinnimadii Golaha, sidaas darteedna loo baahan yahay in la buuxiyo kursiga uu baneeyay Xildhibaan Cabdulaahi Xaashi Abiib ee Hop201.
Xildhibaan Abiib ayaa sababta uu ku waayay xubinnimadiisa lagu sheegay inuu soo xaadirin laba kalfadhi oo xiriir ah.
Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada kasoo horjeeda go’aanka Golaha ee xil ka xayuubinta ayaa ku adkeystay in aan loo marin hanaankii saxda ahaa.