Wednesday, April 23, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Garissa

Dowladda deegaanka Garissa ee Kenya ayaa bilawday ololaha tallaalka bilaashka ah ee muddo 10 maalmood ah, iyadoo lagu tallaalayo in ka badan 600,000 oo xoolo ah oo ku yaal degmooyinka Dadaab iyo Fafi sida ay sheegtay wakaalada Wararka Kenya.

Laascaanood

SSC Khaatumo ayaa sheegtay in ay  baareyso dil ay sheegtay in 20 bishaan uu ka dhacay Laascaanood, kaas oo lagu geystay shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garowe.

Jabuuti

Magaalada Jabuuti ayaa shalay si rasmi ah u martigelisay shirweynaha wadamada xubnaha ka ah Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kaas oo looga hadlayay fursadaha iyo caqabadaha qaaradda ka hor istaagan is-dhaafsiga ganacsi.

Hargeysa

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa ku dhawaaqay in uu soo bandhigi doono sharci cusub oo lagu xakameynayo faafitaanka qabyaalada iyo saamaynteeda burburinta bulshada. Hadalkan ayuu ka jeediyay xilli uu ka qeyb-galay Shirweynaha Dhaqanka ee Somaliland, isagoo sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin sharci oo wax ka qabanaya khatarta qabyaaladda.

Muqdisho

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee berrito la qorsheeyay ayaa laga yaabaa inuu baaqdo sababo la tuhun sanyahay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here