Saturday, July 27, 2024

Laamaha amniga DDS oo sheegay in ay qabteen hub iyo dad xiriir la leh AS

Jig-jiga (Dawan)- Laamaha amniga Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa gacanta kusoo dhigay hub iyo dad ay ku eedeyeen in ay xiiir la leeyiihin kooxda Al-hsabaab ee ka daggaalanta gudaha Soomaaliya, sida uu warbaahinta u sheegay madaxa nabadgelyada Dowlad deegaanka Soomaalida, Dayib Axmed Nuur.

Arrintaan ayaa timid kadib markii laamaha amnigu sameeyeen howl gallo lagu xaqiijinayo nabad gelyada deegaanka inta ay socotay xuska 18-aad ee maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta dalka Itoobiya oo sannadkaan lagu qabtay magaalada Jig-jiga.

Sida uu sheegay Dayib Axmed Nuur howlgalka waxaa lagu soo qabtay hub ka kooban bastoolado, rasaas, iyo bam gacmeedyo loogu talaglay in lagu qalqalgeliyo amniga ka soo qeyb galayaasha munaasabadda maalinta qowmiyadaha.

Madaxa nabadgelyada Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa inatas raaciyay in ay jiraan kooxo la shaqeeyo kooxda Al-shabaab oo doonaya in ay carqaladeeyaan aminga Dowlad Deegaanka iyo in ay iska hor keenaan bulshada iyaga oo adeegsanaya magac qabiil.

Bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay ayay ahyd markii uu dagaal xoogan oo socday maalmo uu ku dhax maray ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-shabaab xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa magaalada Jig-jiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ah lagu soo gabagabeeyay laba maalin ka hor dabaaldegga munaasabadda Xuska 18-aad ee maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta dalka Itoobiya.

Xuska maalinta qawmiyadaha oo soo bilaawday 8-dii December 2006 ayaa laga xusaa guud ahaan dalka Itoobiya sannad walbo xiligaan oo kale iyada oo sannadkaan ay fursad u heshay magaalada Jig-jiga in ay marti geliso ergooyinka kasoo qeyb galay xuska.

Xuska maalintaan ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo isdhex galka iyo midnimada qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya, kuwaas oo leh dhaqamo, diimo, luqado iyo soyaal taariikeed oo kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here